Madaxa Saadka wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Cabdifatax Maxamud Maxamed ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay shirka dib u eegista iyo wada shaqaynta maamulka daawada iyo saadka ee dowladda iyo hay’addaha calaamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba ee kala shaqeeya maamulka daawada.

Mudane Cabdifatax Maxamud Maxamed Madaxa Saadka Iyo Agabka Ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta inoo furmaya shirka muhiimka ah ee dib loogu qiimaynayo waxa ka qabsoomay qorshayaashii 6dii bilood ee la soo dhaafay qaybta saadka iyo dawada wasaraadda caafimaadka Puntland iyo caqabado haday jireen sidii loo sixi lahaa, sida aan wada ognahay saadka iyo dawada waa lafdhabarka shaqda caafimaadka waayo hadaan la helin dawo tayaysan shacabkeenu khatar ayay galayaan, waan uga mahadcelinayaa shaqalaha xarunta dhexe iyo shaqaalaha gobolada qaybtaan saadka iyo dawada sida aan ogahayna juhdi badan galiyay sidii loo heli lahaa dawooyin tayaysan xarumaha iyo goboladana loo gaarsiin lahaa.
“ Ugu dambeyntii waxa uu u mahadcelinayaa hay’adda WHO & Unicef ,UNFPA iyo kuwa kale ee naga taageera ama naga caawiya dawooyinka.”
Shirka Waxa Kasoo Qabygalay Madaxdii Hore Ee Supplyga iyo Dhaman Team’s Gobolada Saadka Iyo Agabka Iyo Hayada Kashaqeeya Caafimaadka
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.