09
May
Koox caafimaad oo ka socota wasaaradda caafimaadka oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socdey hay’adda caafimaadka Adduunka WHO ayaa maanta safar ku tegey deegaanka Libaaxar oo qiyaastii 40Km dhanka bari kaga beegan magaalada Qardho
Kooxda ayaa waxay dad guuraa meesha iskugu yimid oo soo naq raacay usameeyay wacyigalin iyo tallaal siin, kooxda ayaa dabagal ku sameeyay kiisas cudurka gawracatada ah oo laga keenay lana keenay isbitaalka magaalada Qardho, waxay ku soo sameeyeen qiimayn iyo inay adeega tallaalka soo siiyaan caruurta aan wali qaadan tallaalka. Ku dhawaad 35 carruur ah ayaa lagu tallaalay deegaanka si looga hortago cudurka gawracatada oo degaanka ka jiray.










DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland