02
Jun
Isu Duwaha Caafimaadka Gobolka Mudug mudane Cabdinaasir Shiikh Ibraahim ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka warbixinta gobolka ee Caafimaadka ku siiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Sheekh Faarax
Garowe: 02-Jun-2024:- Isu Duwaha Caafimaadka Gobolka Mudug mudane Cabdinaasir Shiikh Ibraahim ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka warbixinta gobolka ee Caafimaadka ku siiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Sheekh Faarax iyo Madaxa ICT-ga mudane Eng. Cabdiashiid Cawed Diiriye.
Isu-duwaha ayaa la wadaagay Wasiirrada xogta Caafimaadka Gobolka Mudug meesha uu marayo, guulihii la gaaray, caqabadaha iyo waxyaalaha, waxyaabaha u qorsheysan.
Wasiirrada ayaa uga mahad celiyey hogaamintiisa Gobolka Mudug iyo wax qabadka balaaran ee uu soo bandhigay: sidoo kalena soo jeediyey in si joogta ah Gobol waliba xogta ula wadaagi doono xarunta dhexe.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.