Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr-Maxamed Xidig iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Shaafici Maxamuud Ismaciil ayaa maanta si wadajir ah dhir-beeris ugu sameeyey xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka.

22 Apr

Ololahan oo qayb ka ah Toddobaadka Dhir-beerista Puntland ayaa ujeedkiisu tahay himilada hormarineed ee Puntland Cagaraan, iyadoo laga bilaabayo xarumaha dowladda, si gaar ah wasaaradaha iyo hay’adaha, kuwaas oo loo diyaarinayo inay noqdaan goobo tusaale u ah ilaalinta deegaanka iyo horumarinta bilicda guud ee Puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi ku beeray geedo kala duwan oo kor u qaadaya cagaarinta xarumaha dowladda, isla markaana ka qayb qaadanaya yareynta saameynta isbeddelka cimilada, dib-u-soo-noolaynta deegaanka iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka ayaa xoojiyay in olalahan ay laf-dhabar u tahay ilaalinta deegaanka iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada, isagoo xusay in wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu cagaarinayo xarumaha dowladda iyo guud ahaan magaalooyinka Puntland.

Dhanka kale, Agaasime Maxamed Xidig ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka Wasaaradda, wuxuuna uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan horumarinta deegaanka sidoo kale wuxuu ballanqaaday in bahda caafimadka door muuqda ka qaadan doonaan ilaalinta iyo kobcinta dhirta la beeray, si ay uga faa’iideystaan mustaqbalka dhow iyo kan fog.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Write a Reply or Comment