Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha Caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa maanta magaalada Boosaaso ka furay tababar ku saabsan udiyaar garowga Ololaha tallaalka Big Catch-up, tababarka ayaa loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka degmooyinka Boosaaso iyo Carmo

24 Dec

Agaasimaha Caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa maanta magaalada Boosaaso ka furay tababar ku saabsan udiyaar garowga Ololaha tallaalka Big Catch-up, tababarka ayaa loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka degmooyinka Boosaaso iyo Carmo

Agaasimaha Caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa maanta magaalada Boosaaso ka furay tababar ku saabsan udiyaar garowga Ololaha tallaalka Big Catch-up, tababarka ayaa loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka degmooyinka Boosaaso iyo Carmo.

Olalaha Tallaalka Big Catch-up oo ujeedkiisu yahay in la tallaalo dhammaan carruurta ka yar 5 sano ee talalaka aan qaadan ama kuwa aan dhamaysan.

Mudane Siciid Maxamed Waraabe Isuduwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Bari oo ugu horayn ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaa maanta u wada joognaa shirkan looga hadlayo Olalaha Tallaalka Big Catch-up kasoo dhawaan ka bilaabanaya xarumaha caafimaadka laguna bartilmaaameedsanayo ilmaha ka yar 5 sano ee aan talaalka dhamaysan oo loo dhamaystirayo midka aan qaadana lagu siinayo. Qorshaha shaqadii horay usocotay in wax laga badalo ayaa la rabaa oo tuulooyinkii aad ka shaqaynayseen kuwa kale ku soo kordhisaan si caruurteena meelkasta oo ay joogaan aan adeega ugaarsiino.”

Mudane Abdirisaaq Abshir XIrsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah oo shirka furay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qaybgalo tababarkaan iskugu jira wacyigalinta iyo u diyaar garowga ololaha tallaalka Big Catch-up kaasoo talaalka lagu gaarsiinayo caruurta 5sano ka yar ee aan talaalka qaadan ama aan dhamaysan, sida aad wada ogtihiin waxaa soo baray cudurada caruurta dhibaateeya ama ay udhintaan kuwaasoo intooda badan talaal kaliya looga hortagi karo, caruurta la talaalo si sahlan ayuu xanuunku u saaameeyaa halka kan kale uu khatar ku abuuro.”

“ Dhamaan shaqaalihiina caafimaadka waxaa la idinka rabaa inaad shaqada laba jibaartaan si loo gaaro caruurteena talaalkana u dhamaystaan, wakiilo ayaad tihiin wasaaradda ka socda.”

Tababarka waxaa sidoo kale ka qaybgalay maamulka caafimaadka gobolka Bari iyo kan degmadda Boosaaso.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Write a Reply or Comment