Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi, ayaa maanta salaadda Jimcaha kaddib masaajidka Madiina ee magaalada Garoowe ka jeediyay khudbad wacyigelin caafimaad oo muhiim ah
Agaasimuhu wuxuu si gaar ah uga hadlay muhiimadda tallaalka iyo doorka uu ka qaato ka hortagga cudurrada halista ah, isaga oo bulshada ku boorriyay in carruurta loo dhammeystiro dhammaan tallaallada lagama maarmaanka ah. Waxa uu sidoo kale digniin ka bixiyay cudurka gawracatada (Diphtheria), oo kiisas laga diiwaangeliyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Nugaal, gaar ahaan Eyl iyo Godobjiraan. Agaasimuhu wuxuu xusay in xanuunkan looga hortagi karo oo keliya tallaalka, isla markaana xarumaha caafimaadka gobolka laga heli karo adeegyada tallaalka.
Dhanka kale, Madaxa Barnaamijka Tallaalka ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland,Mudane Muhyadeen Ahmed Mahamed ayaa galabta booqday xarunta Akadeemiyada Gobolka Nugaal, halkaas oo uu kula hadlay ardayda ku jirta tababarka. Wuxuu kula dardaarmay inay kordhiyaan taxaddarka caafimaad, qaataan tallaalka, isla markaana fariinta wacyigelinta gaarsiiyaan waalidiintooda iyo bulshada kale.
Dadaalladan wacyigelinta ah ayaa qayb ka ah hawlaha lagu xoojinayo fahamka bulshada ee caafimaadka, iyadoo la gaarsiinayo fariimaha muhiimka ah goobaha kala duwan sida masaajidda, goobaha waxbarashada, xarumaha ciyaaraha iyo meel kasta oo bulshada laga heli karo.
Waxay sidoo kale ku beegan yihiin Toddobaadka Tallaalka Adduunka, oo si rasmi ah u bilaabmay maanta, 24 April, kuna eg 30 April, kaas oo diiradda lagu saarayo kor u qaadista wacyigelinta bulshada iyo dardargelinta qaadashada tallaalka si loo badbaadiyo nolosha carruurta iyo bulshada guud ahaan.
DHAMMAAD



















Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland