Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah ahna Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Abshir Xirsi, ayaa maanta hay’adda UNICEF kala wareegey 33 talaagadood oo nooca lagu keydiyo tallaalka ah, kuwaas oo loogu talagalay in la geeyo 33 xarumood oo ku yaalla gobolka Nugaal Dhaqaalaha waxaa bixiyay Bankiga adduunka waxaanu qayb ka yahay mashruuca Damal Caafimaad ayna fulinayso PSI.

04 May

Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah ahna Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Abshir Xirsi, ayaa maanta hay’adda UNICEF kala wareegey 33 talaagadood oo nooca lagu keydiyo tallaalka ah, kuwaas oo loogu talagalay in la geeyo 33 xarumood oo ku yaalla gobolka Nugaal Dhaqaalaha waxaa bixiyay Bankiga adduunka waxaanu qayb ka yahay mashruuca Damal Caafimaad ayna fulinayso PSI.

Khaliif Abdulahi nouh Health specialist unicef oo ka hadlay munaasabadda lagu wareejinayay talaagadaha, ayaa yiri:

“Waxaan maanta Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ku wareejinaynaa 33 talaagadood oo dhaqaalahooda uu bixiyay World Bank, lana soo mariyay hay’adda UNICEF, Talaagadahaas waxaa loogu talagalay in la geeyo xarumaha aan horay ulahayn, gaar ahaan kuwa ku yaalla meelaha fogfog ee gobolka.”

Maxamed Jaamac Qorile, Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Nugaal, oo isna madasha ka hadlay, ayaa yiri:

“Waxaan maanta Wasaaradda dhexe kala wareegnay 33 talaagadood oo loogu talagalay qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee gobolka, gaar ahaan deegaannada fogfog ee aan lahayn talaagado lagu keydiyo tallaalka ama hore uga soo qaadan jiray meelo kale. Waxaan rajaynayaa inay dabooli doonto baahida tallaal ee ka jirtay, isla markaana ay qayb ka qaadan doonto dadaallada Wasaaraddu ku hormarinayso adeegyada caafimaadka.”

Cabdirisaaq Abshir Xirsi, Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa yiri:

“Waxaan maanta hay’adda UNICEF kala wareegnay talaagado loogu talagalay 33 xarumood oo ku kala yaalla gobolka Nugaal. Xarumo qaarkood waxay ku yaallaan meelo aad u fog oo aan hore u lahayn talaagado. Talaagadahan ayaa loogu talagalay in lagu keydiyo tallaalka si bulshada loogu dhaweeyo helitaanka adeegyada caafimaadka, gaar ahaan tallaalka carruurta. Waxay sidoo kale qayb ka qaadan doonaan yaraynta cudurrada qaarkood sida gawracatada, oo hadda kiisas laga soo sheegay gobolka Nugaal.”

“Talaagadahan waa kuwo heer caalami ah, wata qalabkoodii oo dhammaystiran, oo ay ku jiraan nidaamyo tamar qoraxeed (solar), waxaana la filayaa inay shaqayn karaan in ka badan 10 sano.”

“Waxaan u mahadcelinayaa World Bank iyo hay’adda UNICEF oo iska kaashaday iibinta iyo keenista talaagadan. Waxaan rajaynayaa in xarumaha la gaarsiin doono waqtiga ugu dhow si adeegyada caafimaad loo gaarsiiyo bulshada.”

Munaasibada waxaa ka qaybgalay Ubax Yusuf Cali Madaxa caafimaadka asaasiga ah ee gobolka iyo masuuliyiin kale oo ka socday.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment