22
Jul
Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta goobaha codbixinta saddexda degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan u kala dirtay gaadiidka gargaarka degdegga iyo shaqaalaha Caafimaadka
22-July-2024:-Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta goobaha codbixinta saddexda degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan u kala dirtay gaadiidka gargaarka degdegga ah iyo shaqaalaha Caafimaadka yo iyo Xirfadlayaal Caafimaad ee Hay’ada Bisha Cas maalinka doorashada 23-ka Luulyo 2024.
Waxaa munaasibad lagu kala diray oo ka dhacday xarunta dhexe ee wasaaradda ka qaybgalay wasiirka wasaaradda mudane Siciid Jamac Qorsheel, wasiirka arimaha gudaha mudane Abdi Farax Siciid Juxa, wasiirudawlaha caafimaadka Mudane Ahmed Shiikh Farax, gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Mudane Ahmed Mohamuud Omar, kusimaha agaasimaha qorshaynta, isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal iyo saraakiil ka socday madaxtooyada iyo Bisha Cas.
Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland mudane Ahmed Mohamuud Omar oo hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:-
“ Waxaan wasaaradda caafimaadka Puntland iyo bahda ay wada shaqeeyaan ku bogaadinaya diyaarinta iyo isku duba ridka kooxdaan caafimaad oo diyaarsan oo qalabkoodi oo dhamaystirana wata, sida aad la wada socotaan waa dheeraanayaa waqtiga doorashadu soconayso waxaana dhici karta in meelaha qaarkood looga baahdo gurmad caafimaad si loogu fidiyo waa muhiim in koox caafimaad joogto. Doorashada waa shaqo wadareed dhamaanteen inoo wada taala lkn anagu aan hormuud unahay waxaan rajaynayaa inaan ku wada guulaysano sidii doorasho wangsan inoogu dhici lahayd.”
Abdi Farax Siciid Juxa wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Puntland oo isaguna ka hadlay ayaa yiri:
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo diritaanka wasaraadda caafimaadku ay maanta dirayso kooxo caafimaad oo ka shaqayn doona goobaha codbixinta doorashada saddexda degmo waxaana rajaynayaa in kaalintooda ay ka soo bixi doonaan, wasiirka waxa uu ku jiraa guddi wasiiro ah oo shaqada qayb ka ah kuwas oo loogu talagalay inay fududeeyaan baahiyaha bulshadu ubaahantahay.”
Wasiirudawlaha wasaaradda Mudane Ahmed Shiikh Farax oo isaguna ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka diraynaa kooxo caafimaad oo ka shaqayn doona maalinta doorashada goobaha codbixinta taasoo loogu talagalay hadii dadka qaar xanuusadaan inay ufidiyaan adeeg caafimaad sidoo kalena waxa diyaarsan xarumaha caafimaadka oo qofka waxba looga qaban waayo loo gudbinayo, waxaan rajaynayaa inaad kaalintooda ka soo dhalaali doonaan shaqadoodana si hufan uqabsan doonaan.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaradda caafimaadka Puntland oo munaasibada hadal dardaaran ka jeediyay aya yiri:-
“ Waxaan maanta uwada joognaa hawl baaxad weyn leh taasoo lagu kala dirayo ilaa 11 Amblus oo ka shaqayn doona degmooyinka Garowe, Godobjiraan, Dongoroyo, kuwaasoo bari doorashadoodu ka dhacayso degmooyinka waxaan rajaynayaa in bulshadeena adeega caafimaad ay ubaahanyihiin aan siin doono, sidoo kalena waxaan idinka rajaynayaa wakiilo ayaad ka tihiin wasaaradda waajibaadkiina inaad gudan doontaan ayaan ku kalsoonahay.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.