Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Ahna kusimaha wasiirka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta furay shirka isku dhafka jinsiga ee shaqaalaha caafimaadka oo loo qabtay shaqalaha caafimaadka qayb kamid ah, wuxuuna soconayaa mudo labo maalmood ah.

04 Jul

Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Ahna kusimaha wasiirka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta furay shirka isku dhafka jinsiga ee shaqaalaha caafimaadka oo loo qabtay shaqalaha caafimaadka qayb kamid ah, wuxuuna soconayaa mudo labo maalmood ah.

Garowe, July 02, 2024: Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Ahna kusimaha wasiirka Mudane Ahmed Sheekh Farax ayaa maanta furay shirka isku dhafka jinsiga ee shaqaalaha caafimaadka (Integrating Gender For Health Workers) oo loo qabtay shaqaalaha caafimaadka, wuxuuna soconayaa muddo labo maalmood ah.
Mudane Axmed Sheekh Faarax wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka furay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qaygalo shirkan muhiimka ah Dhammaana waxaan salaamayaa ka soo qaybgalayaasha barnaamijka maanta aad uwada joogtaan waa mid muhiim ah, waxaa hablaheena ku dhaca tacadiyo kala duwan oo iskugu jira kufsi iyo dhibaatooyin kale oo soo gaara. Inkastoo shaqada ugu badan ay ku dhacdo wasaaradda haweenka hadana caafimaadku waa qayb kamid ah kuwa ugu muhiimsan waayo marka gabadha uu ku dhaco kufsi waxa markaba la geeyaa xarun caafimaad halkaas oo dawooyn iyo gargaar caafimaad loogu sameeyo.”
“ Shaqada ugu weyn ee dhammaanteen ina saaran waa ilaalinta iyo xifdinta xogta qofka dhibana ah si aan loo faquuqin ama loogu ceebayn, waxaa la ina ka rabaa inaan sida ugu adag u dhawrno una ilaalino.”
“Ugu danbeyn waxaan u mahadcelinayaa hay’adda Unicef oo shirka soo qaban qaabisay iyo wasaaradda haweenka oo aan ka wada shaqayno.”
Shirkan waxaa wada qabanayey wasaraaddaha caafimaadka iyo Haweenka Puntland waxaana dhaqaalaha bixinaya hay’adda Unicef.
          
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.