26
Jun
HAMBALYO MAALINTA XORNIMADA DALKEENA
FARRIINTA MUNAASABADDA 1-DA LUULYO
Waxaan shacabka Soomaaliyeed la qayb sanayaa farxadda dabbaal-degga munaasabadda 64 guurada ka soo wareegtay maalintii Gobollada Koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda ka qaateen Talyaaniga, isla markaana ay Woqooyi iyo Koonfur midoobeen.
Xuska iyo weynaynta munaasabadaha xorriyaddu waxay dib inoo xusuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka, kuwaas oo dhammaantood halgan adag u soo galay soo dhicinta gobannimadeenna, waana in aynu sooyaalkooda ka qaadannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka, walaaltinimada iyo midnimada dhexdeenna ah.
Ugu danbeyn waxaan hambalyo udirayaa shaqaalaha weynaha wasaaradda caafimaadka Puntland meelkasta oo ay joogaan.