Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo weheliyo wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamuud iyo wefti ka socda PSI ayaa kormeeray xafiiska gobolka Nugaal

25 Jun

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo weheliyo wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamuud iyo wefti ka socda PSI ayaa kormeeray xafiiska gobolka Nugaal

Garoowe: 25 Jun 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo Wasiiru-dowlaha wasaaradda Mudane Axmed  Shiikh Faarax Maxamuud oo ay la socdaan wefti ka socda Hay’adda Population Services International (PSI) taas oo Wasaaradda Caafimaadka Puntland kala shaqeysa Mashaariicda Caafimaadka ee Damal Caafimaad iyo Marwo Caafimaad, ayna hoggaaminaysey Madaxa Howlgelinta ee Xafiiska Africa u qaabilsan Hay’adda Dr.Dorothy Balaba waxay kormeer ku tageen xafiiska wasaradda caafimaadka gobolka Nugaal iyo xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Gambool (MCH) iyo (Waabari MCH) oo ku yaala magaalada Garowe.

Kormeerka ayaa ku saabsanaa sidoo loo ogaan lahaa shaqada caafimaad ee ka socota xarumaha caafimaadka iyo waliba dayactir lagu wado, xarumaha aya qayb ka ah kuwa mashruuca Damal Caafimaad ka socdo.
Wasiiradda ayaa dhamman goobaha uu booqday waxa uu kula kulmay maamulka iyo shaqaalaha Goobaha cafimaadka, isagoo ka wareestay shaqada , sidda ay bulshada ugu adeegayaan.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayaa ku bogaadiyay hay’adda PSI shaqada ay ka wado xarumaha caafimaadka ee mashruuca damal caafimaad ka shaqeeyo, waxaana uu kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha xarumahaasi inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan.
    
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.