25
Jun
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qaybgalay munaasabad ay Wasaaradda Caafimaadku kula wareegtay 6 Gawaarida gargaarka caafimaad ah
Garoowe: 24 June 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qaybgalay munaasabad ay Wasaaradda Caafimaadku kula wareegtay 6 Gawaarida gargaarka caafimaad ah (Ambulances) oo loogu talagalay 6 Isbitaal oo ku yaala degmooyinka Gobolka Nugaal,, kuwaasi oo ay Wasaraadda kala wareegtay Hay’adda Population Services International (PSI), kana shaqaysa mashruuca Damal Caafimaad.
Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal Mudane Maxamed Jaamac Qorile ayaa ugu horayn ka warbiyay mashruuca damal caafimaad iyo baabuurta maanta lagu wareejinayo:-
“ Waxaan ku farxsanahay maanta inaan qayb ka noqdo madasha lagu wareejinayo 6 gaari Ambulus ah oo loogu talagalay in lagu hormariyo caafimaadka gobolka Nugaal, waxaan ogahay baahida ka jirta gobolka degmooyinkiisa qaarkood oo aan lahayn wax ambulance ah, waxayna qayb ka yihiin mashruuca damal caafimaad oo ay lacagtiisa bixinayso Bankiga aduunka ayna soo marisay hay’adda PSI, mashruucaan oo ah mid muhiim ah ayaa wax badan ka taageera gobolka haday ahaan lahayn siinta mushahaarka shaqaale ka badan 600 qof sidoo kale socod siinta hawlaha xarumaha ka kooban 73 oo iskugu jira Health Center, Health Post iyo Isbitaalo ku yaala gobolka Nugaal.”
Jamac Salaad dhagadheere oo kamid ah odayaasha iyo ganacsatada gobolka oo isaguna ka hadlay munaasibada ayaa soo dhaweeyay baabuurta cusub oo wakaalada ah oo wasaaradda maanta lagu wareejiyay kuwaasoo loogu talagalay in looga shaqeeyo isbitaalada kuyaala gobolka Nugaal qaybna ka ah mashruuca damal caafimaad, waxa uu wasiirka iyo wasaaradda kula dardarmay in dad masuuliyiin ah loo dhiibo lana ilaaliyo shaqada loogu talagalayna loogu qabto.
Dr Dorothy oo ka socda hay’adda PSI oo iyaduna ka hadashay munaasibada ayaa tiri:-
“ Waxaan maanta uwada joognaa wareejinta 6 baabuur oo ah kuwa gurmadka degdega ah looguna talagalay in looga shaqeeyo 6 Isbitaal oo ku kala yaala 5ta degmo ee gobolku ka koobanyahay uuna ka shaqeeyo mashruuca damal caafimaad, waxay xustay muhiimada mashruuca oo ay sheegtay inuu wax badan ka badalay horumariyayna caafimaadka gobolka adeegyo badana soo kordhiyay, sida uu xusay isuduwaha mashruuca waxa uu taageeraa in ka badan 600 oo qof oo xirfadlayaal caafimaad ah kuwaasoo ka shaqeeya dhamaan xarumaha gobolka.”
Osmaan Mohamuud Cali gudoomiyaha hantidhawrka Puntland oo isaguna goobjoog ka ahaa munaasibada ayaa yiri:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka sida uu igu martiqaaday inaan goobjoog ka noqdo baabuurta gurmad degdeg ah, waxaan ka xafiiska hantidhawrka ahaan wasaaradda ka sugi doonaa xogta baabuurta oo dhamaystiran si aan marka aan baaritaanka samaynayno ula socono.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka hadlay munaasibada ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan iskugu nimaano mid kamid ah hawlaha ugu muhiimsan ee lagu hormarinayo caafimaadka, baabuurta gurmadka degdeg ah waa kuwa ugu muhiimsan marka laga shaqaynayo caafimaadka waayo waxaa marka jira bukaano ubaahan in lagu qaado laguna gaarsiiyo xarumaha caafimaadka, waxaan ka wasaaradda caafimaad ahaan markasta la socon doonaa masuuliyada baabuurta iyo sida loogu shaqeeyo mana noqon doonaan kuwa si gaar ah loogu shaqaysto.”
“Waxaan ugu mahadcelinayaa madaxweyne kuxigeenka sida milgaha leh ee noogu sharfay inuu noo yimaado nala arko hawsha aan hayno sidoo kalena uu markasta wasaaradda ula shaqeeyo sidoo kale waxaan uga mahadelinayaa hay’adda PSI sida wanaagsan ee mashruuca damal caafimaad ee aan kawada shaqayno uwado waana bogaadinayaa in gobolada uu ka socday gobolka Nugaal uu ugu horeeyo marka loo eego xarumaha uu ka shaqeeyo tiradooda iyo sida loo maamulayo.”
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Madane Ilyaas Osmaan Lugatoor oo munaasibada gabagabadeedi ka hadlay ayaa yiri:-
“Waxaan uga mahadcelinayaa wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda PSI siday uga wada shaqeeyeen in gaadiidkan la helo, wuxuuna Wasaaradda Kula dardaarmay in masuuliyad la iska saaro illaalinta bedqabka gaadiidkan ay maanta la wareegeen iyo Guud ahaan hantida Dowladda oo dhan.”
“Madaxweynaha ayaa bogaadiyay horumarka ka socda wasaaradda si gaar ah wasiirka oo uu xusay inuu yahay oday waayo aragnimo badan oo dawladnimo ah leh waxaana uu ku bogaadiyay shaqada socota in la sii laba jibaarana waa kula dardaarmay waxaa sidoo kale uu xusay in ka madaxda sare ahaan ay si joogta ah ula socon doonaan dhamaan shaqooyinka wasaaradaha ka socda mida shaqo fiican qabatana lagu abaalmarin doono mida aan qabana lagula xisaabtami doono.”
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Ahmed Shiikh Farax, Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Mudane Dr Mohamed Mohamuud Xidig, Hantidhowraha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cismaan Maxamuud Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan, Masuuliyiinta Hay’adda PISA ee wareejisay Gawaaridan, Dhaqanka, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda Garoowe.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.