16
Jun
Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Dr Cabdirashiid Xasan oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga, ayaa maanta booqday mid kamid ah isbitaaladda ugu waaweyn dalka Turkiga oo lagu magaacaabo Zonguldak university hospitals.

Wasiirka ayaa madaxda jaamacadda iyo isbitaalka kala hadlay sida ugu haboon ee looga wada shaqayn karo kor u qaadista tayadda isbitaaladda Puntland. Wasiirka ayaa si gaara u booqday qaybta cuduradda kansarka (oncology department), madaxda qaybtaas ayay ka wada hadleen suurtagalnimada qayb noocaan oo kale ah looga hir galin karo Puntland.
Ugu danbayn wasiirka ayaa booqashadiisa ku soo gabagabeeyay kulan gaar ah oo la yeeshay rector jaamacadda Prof.Dr. Bekir Hakan Bakkal asagoo uga mahadceliyay sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen.
Dalka Turkiga ayaa ka mid ah wadamada caafimaadka looga aado dalkeena, booqashadana waxay qayb ka tahay dadala hogaanka cusub ee wasaaradda caafimaadka Puntland ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa loona tayayn lahaq caafimaadka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.