Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xaflad sagootin ah u qabatay Axmed Macalin Xirsi oo ahaa Madaxii mashruuca Dabaysha (Polio) Puntland (PL Polio ZPEO) ee hay’adda caafimaadka Adduunka (WHO).

28 May

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xaflad sagootin ah u qabatay Axmed Macalin Xirsi oo ahaa Madaxii mashruuca Dabaysha (Polio) Puntland (PL Polio ZPEO) ee hay’adda caafimaadka Adduunka (WHO).

Garowe,May,28,2024: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xaflad sagootin ah u qabatay Axmed Macalin Xirsi oo ahaa Madaxii mashruuca Dabaysha (Polio) Puntland (PL Polio ZPEO) ee hay’adda caafimaadka Adduunka (WHO).
Wasiirka wasaradda Mudane Siciid Jaamac Qorsheel oo ay weheliyaan Wasiirru-Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Mudane Ahmed Sheekh Faarah, lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey (Dhagaweyne) agaasimaha caafimaadka aasiga ah Cabdirisaaq Abshir Xirsi, Agaasimaha maamulka iyo maaliyada, Mohamed Xuseen Mohamed, saraakiil ka socota wasaaradda iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay xafladda sagootinta ah Axmed Macalin Xirsi.

Mudane Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ugu horayn munaasibadda ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxa farxad weyn noo ah inaan munaasibadan iskugu jirta mahadcelin iyo sagootin iyo sharfid uqabano Ahmed Macalin Xirsi oo mudo ka badan 20 sano ahaa shaqaale caafimaad gaar ahaan mashruuca Polio Puntland (PL Polio ZPEO), waxaa sidoo kale uu ahaa dhakhtar iyo shaqooyin badan soo qabtay.”
Dr abdirahmaan Siciid Gacamey Dhagaweyne lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta uwada fadhino munaasibada muhiimka ah oo aan ku sagootinayno Ahmed Macalin Xirsi waxaan qirayaa qofnimadiisa iyo waya aragnimada iyo sida hal adayga leh ee uu ugu so shaqeeyay bulshadiisa, kaliya kama shaqayn iskuma koobin Polio ee waxaa uu si mutadawacnimada ah ugu adeegay bulshadiisa, waxaana rajaynayaa in mustaqbalka uu lataliye unoqdo wasaaradda gaar ahaan qaybta talaalada si khibradiisa aqoontisa looga faa’iidaysto.”
Ahmed Macalin Xirsi oo hadal kooban oo mahadcelin jeediyay ayaa yiri:-
“ Waan uga mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda WHO oo aan la soo shaqeeyay munaasibada la igu maamuusayo, waxaan isleeyahay waxa la igu tilmaamayo ama la igu sheegayo inaan wada ahayn balse aan gutay kaliya waajibaad isaarnaa, waxaana diyaar u ahay inaan wixii talo iyo waaya argnimo ah la ka caawiyo wasaaradda.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland oo munaasibada kalmadiisa ka jeediyay ayaa yiri:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa shaqaalaha wasaaradda gaar ahaan agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah munaasibada maanta ay ku maamusayaan Ahmed Macalin Xirsi oo aan ogahay qofkasta oo reer Puntland ahna uu qirsanyahay shaqada uu qabtay iyo dadaalka uu sameeyay lana rabo in isaga iyo dadka la mid ah dhaxal laga reebo.”
“ Anigoo ku hadlaya magaca wasaaradda iyo kayga waxaan leeyahay waad mahadsantahay, taariikhdu waxay ku fiicantahay in qofka inta uu noolyahay la xuso wanaagiisa laguna weyneeyo, waxaan ka faa’iidaysan doonaa khibradada waaya aragnimadadaa iyo aqoontaada.”
Wasiirka ayaa ugu danbeyn shahaado sharaf gudoonsiiyay Ahmed Macalin Xirsi.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND