27
May
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa daah furay Tababar loo qabanayey kooxaha Maaraynta Xogta Caafimaadka, Nafaqada iyo Taranka kuwaas oo ka kala yimid Gobolada iyo Xarunta dhexe ee Wasaarada Caafimaadka.
Garoowe, 22 May 2024: Wasiiru-Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa daah furay Tababar loo qabanayey kooxaha Maaraynta Xogta Caafimaadka, Nafaqada iyo Taranka kuwaas oo ka kala yimid Gobolada iyo Xarunta dhexe ee Wasaarada Caafimaadka.
Cabdirisaaq Cartan madaxa xogta wasaraadda caafimaadka dawladda Puntland:-
“ Waxaan dhamaan ka soo qaybgalayaasha uga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka tababarkan muhiimka ah ee ku saabsan Maaraynta Xogta Caafimaadka, Nafaqada iyo Taranka, waxaa la idinku yeeray inaad ka faa’iidaysataan cilmi iyo aqoona aad ka kororsataan sidoo kalena inaad ilaalisaan waqtiga iyo joogitaanka tababarka iyo ka qaybgalkiisa casharada lagu qaadanayo.”
Wasiiru-Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Mudane Ahmed Sheikh Farah oo tababarka furay ayaa kula dar-daarmay inay sifican oga faa’idaystaan mudada uu socdo si ay ugu soo kordhiyaan aqoonta ay kororsadeen Xarumahoodii Shaqo.
Tababarkaan ayaa wuxuu socon doonaa mudo sadex Maalmood ah iyadoo uu isku jiri doono dib u eegis wax qabadkii iyo caqabadihii mudadii uu soo socday, Tababaris qeybaha ka duwan ee Maareynta Xogta Cafimadka, Nafaqada iyo Taranka.
Barnaamijkaan ayaa waxaa Wasaarada kula mataanaysan Hay’ada Caalamiga ah ee World Vission oo sidoo kale Wasaarada Caafimaadka la wado mashaariic Dowr ah.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.