Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyaas Osman Lugatoor ku weheliayay munaasibadda xiritaanka arday tababarro ka qaatay Hay’ada Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA.

23 May

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyaas Osman Lugatoor ku weheliayay munaasibadda xiritaanka arday tababarro ka qaatay Hay’ada Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA.

Garoowe, 22 May 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyaas Osman Lugatoor ku weheliayay munaasibadda xiritaanka arday tababarro ka qaatay Hay’ada Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA. Munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 64 dhakhtar oo ka kala yimi gobolada Soomaaliya iyaga oo dhanmaystay tababarro Caafimaad.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay hay’adda Global Health Alliance tababarka heerkiisu sareeyo ee ay uqabteen dhakhaatiirta laguna tababaray sidii loo xanaanayn lahaa looga daryeeli lahaa ilmaha waqtiga uu dhasho, waxaana uu ka codsaday inay sii wadaan ka wasaraadda caafimaadka ahaana ay markasta kala shaqayn doonaan una fududayn doonaan waxa dhankooda kaga xirma.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa masuuliyiinta Hay’adda ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay qabteen, isaga oo ku dhiiri geliyey inay sii wadaan tababarada si ay uga faa’iidaystaan bahda Caafimaadku.
Munaasabada waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan golada wasiiradda, agaasimaha guud ee wasaaraadda iyo agaasimaha caafimaadka asaasiga ah, madax Hay’adda iyo marti sharaf kale.
Todobaadkii hore bilawgiisii ayay ahayd marka wasiir Siciid Jamac Qorsheel tababarka ufuray kasoo soconayay muddo 6 casho ah.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.