Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaaradda caafimaadka oo ay wehilyaan wasiiro ka socda golaha dowladda Puntland ayaa booqday xarunta carruuraha baahiyaha gaarka ah qaba

17 May

Wasiirka wasaaaradda caafimaadka oo ay wehilyaan wasiiro ka socda golaha dowladda Puntland ayaa booqday xarunta carruuraha baahiyaha gaarka ah qaba

Garoowe : 16, May 2024: Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Cabdirashiid Xassan Jaamac ay weheliyeen Wasiirka Haweenka Maryan Axmed Cali, wasiirka gargaarka Ubax Cabdirashiid Maxamed, Wasiiru-Dowlaha Qorshaynta Faarax Maxamuud Aw-Cismaan iyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Maxamed Xassan ayaa booqasho ku tagay xarunta lagu daryeelo caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee Autism Somalia Center.

Booqashadaan oo ahayd mid lagu eegayay shaqada weyn ee ay xaruntaani u hayso bulshada, gaar ahaan kuwooda ugu liita. Waxaa madaxda xarunta iyo wasiiradu isla garowsadeen in la sameeyo wada shaqayn dhab ah, dowladuna ay taageerto shaqada xarunta. Wasiiradu waxay howl-wadeena uga mahad celiyeen shaqada mutadawacnimo ee ay u hayaan dadkooda.
 
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.