17
May
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta dhagax dhigay daahfurka dhismaha iyo dayactirka xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal.
Garoowe : 16, May 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta dhagax dhigay daahfurka dhismaha iyo dayactirka xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal.
Barnaamijka ayaa lagu dayactiri doonaa laguna kordhin doonaa dhismayaal cusub dhamaan xarumaha caafimaadka ee gobolka Nugaal waxaana uu qayb ka ahaa mashruuca Damal Caafimaad oo ka shaqeeya gobolka, waxaana iska kaashanaya hay’addaha PSI iyo Care International.
Wasiirka ayaa kula dardaarmay shirkadaha qandaraasyada ku guulaystay iyo hay’addaha fulinayaba in sida ugu wanaagsan loo hirgaliyo ka masuuliyiinta wasaaradda ahaan ay la socon doonaan.
Dhagax dhiga waxaa qayb ka ahaa Ali Ahmed Godane oo ka socday hay’adda Care International iyo Dr Mohamed Bashiir oo ka socday hay’adda PSI, iyo masuuliyiin caafimaadka gobolka Nugaal.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND