Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jsamac Qorsheel ayaan maanta kormeeray Shaybaarka Tixraaca Caafimaadka Dadweynaha ee Dowladda Puntland ee ku yaal magaalada Garoowe (Puntland State Public Health Reference Laboratory (PS-PHRL).

15 May

Wasiirka caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jsamac Qorsheel ayaan maanta kormeeray Shaybaarka Tixraaca Caafimaadka Dadweynaha ee Dowladda Puntland ee ku yaal magaalada Garoowe (Puntland State Public Health Reference Laboratory (PS-PHRL).

Garowe May,15,2024:- Wasiirka caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jsamac Qorsheel ayaan maanta kormeeray Shaybaarka Tixraaca Caafimaadka Dadweynaha ee Dowladda Puntland ee ku yaal magaalada Garoowe (Puntland State Public Health Reference Laboratory (PS-PHRL).
Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maamulka iyo shaqaalaha xarunta shaybaarka, Dr Maxamuud Maxamed Xuseen ayaa wasiirka warbixin ka siiyay shaqooyinka shaybaarka uu qabto iyo qorshayaasha soo socda.

Dr Maxamuud Maxamed Xusee ayaa wasiirka u sheegay in Shaybaarka Adeegyada ugu badan oo hadda bixiyo ay yihiin emergency response and surveillance sida:-
1. SARS COV-2
2. ELISA Sero-surveys (SARS COV-2 & MERS)
3. GENOME SEQUENCING
4. TB (EQA, DR-TB BASELINE TESTING, and MTB/XDR DST)
5. SARI-ILI (Influenza)
6. HIV VL
7. CD4
8. MEASLES
9. RUBELLA
10. MALARIA (EQA)
11. ROTAVIRUS
12. ARBOVIRUSES (Dengue, Chikungunya, and Zika)
13. Rift Valley Virus Fever (RVF)
14. BACTERIAL CULTURE ID & AST (Vibrio cholera/AWD)
15. LABORATORY STAFF CAPACITY BUILDING
Sidoo kale waxa uu taageero siiyaa xarumaha baara, SARS COV-2, SARI-ILI Sentinel sites, Qaaxada nugul iyo midda adkaysiga leh, Duumada, HIV iyo Tababarka Shaqaalaha Shaybaarka
Dhawaan ayaa lagu soo kordhin doonaa baaritaanada Mycobacteriology Culure (Solid and Liquid).
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Siciid Jamac Qorsheel ayaa ugu dambeyn bogaadiyey Maamulka iyo shaqaalaha xarunta shaybaarka howsha adag ee ay u hayaan Bulshada reer Puntland iyo mida Soomaaliyeed iyo mas’uuliyadda sida gaarka ah ay isaga saareen,waxa uu la wadaagay in qorshaha dhaw ee wasaaradda uu yahay in la kordhiyo cudurada lagu baaro shaybaarka iyo in adeegga baaritaan la siiyo dhamaan dalka oo dhan.
Kormeerka wasiirka ee shaybaarka ayaa qayb ah kormeerada shaqo ee uu wasiirku ku tagayo xarumaha caafimaadka ee kala duwan si uu u ogaado baaxada shaqo ee socota iyo baahiyaha ka jira xarumahaas.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.