14
May
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xarunta hay’adda caafimaadka Adduunka WHO Garoowe ka furay tababarka daryeelka caafimaadka asaasiga ah ee ilmaha dhasha iyo xanaanayntiisa.
Garowe ,May, 14, 2024:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xarunta hay’adda caafimaadka Adduunka WHO Garoowe ka furay tababarka daryeelka caafimaadka asaasiga ah ee ilmaha dhasha iyo xanaanayntiisa.. Tababarkan oo socon doono muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalaya 30 dhakhtar oo ka socda gobolada Sool iyo Nugaal, waxaana iska kaashanayana wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Global Health Alliance oo ka dhisan gobolka Minnesota ee dalka Marayka.
Dr Ikraam Adam Abdulle madaxa hay’adda Global health Alliance oo furitaanka ka hadashay ayaa tiri:
“ Waxaan soo dhawaynayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel imaatinkiisa tababarkaan muhiimka ah, waxaana dhakhaatiirta ka soo qaybgalay lagu tababari doonaa daryeelida iyo xananaynta caruurta dhasha si loo yareeyo dhimashadood, waxaan rajaynayaa maalmaha uu socdo in aqoon dheeraad ah aad ka heshaan, waxaa hay’adda ka go’an inay qayb ka qaadato caafimaadka dalka.”
Dr Abdulaahi Abdirashiid madaxa ururka dhakhaatiirta Puntland oo ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay ka urur dhakhaatiir ahaan inay qabsoomaan tababarada noocaan oo kale ah, wadankeena uu kamid yahay kuwa ugu horeeya dhimashada ilmaha dhasha, waxaan rajaynayaa in cilmi laga qaato shaqadiinana uu wax ka badali doono, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhakhatiirta ka socda Global health Alliance.”
Dr Abraham madaxa WHO Puntland oo furitaanka tababarka ka soo hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo tababarka muhiimka ah oo looga hadlayo xananaynta iyo badbaadada ilmaha waqtiga uu dhasho iyo caafimaadkiisa si guud, waan uga mahadcelinayaa wasaaraddq caafimaadka iyo hay’adda Global health alliance ay wada qabanayaan, waxaan idinku soo dhawaynayaa xafiiska, waxaana rajaynayaa inaad aqoon fiican ha qaadan doontaan maalmaha aad wada joogtaan.”
Wasiir Siciid Jamac Qorsheel Wasiir wasaaradda caafimaadka DPL tababarka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan farxad weyn ii ah inaan ka soo qaybgalo tababarkaan ay ka faa’iidaysanayaan intaan oo dhakhtar oo dhalinyaro ah ka soo qaybgaleen, tababarkaan oo mid heer caalami ah dalka gudihiisa lagu qabto, dhimashada ilmaha dhasha dalkeena waa meelaha ugu dhimashada badan una baahan in la yareeyo. Waxaan hay’adda WHO uga mahadcelinayaa inay marti galiyaan tababarkan xafiiskooda lagu qabto.”
“ Saddex maalmood oo waxbarasho ah weeye sida ugu wanaagsan inaad uga faa’iidaysataan ayaan rajaynayaa hadhowna aad shaqadiina ku dabaqdaan. Waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda Global health alliance sida hawlkarnimada leh ee ay dadkooda ugu shaqaynayaan iyaga oo dalka Maraykanka ka yimid, ka wasiir ahaana markasta diyaar ayaan u ahay inaan soo dhaweeyo una fududeeyo shaqada ay hayaan waxaana rajaynayaa tababarkaan iyo kuwa lamid ahba inay sii wadaan.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.