Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey xafiiska wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal iyo xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Gambool (MCH) iyo Xarunta cafimaadka Hooyada iyo dhalaanka ee Gargaar oo ku yaala magaalada Garowe.

13 May

Garowe , 12-May- 2024 : Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeeray shaqo ku tegey xafiiska wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal iyo xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Gambool (MCH) iyo Xarunta cafimaadka Hooyada iyo dhalaanka ee Gargaar oo ku yaala magaalada Garowe.
Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyey Agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xiddig iyo madaxa xogta wasaaradda caafimaadka Cabdirisaaq Cartan, Waxaa kaloo kormeerka qayb ka ahaa Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal Mohamed Jamac qorile.

Wasiirka ayaa dhamman goobaha uu booqday waxa uu kula kulmay maamulka iyo shaqaalaha Goobaha cafimaadka, isagoo ka wareestay shaqada , sidda ay bulshada ugu adeegayaan iyo baahiyaha jire ee u baahan in wax laga qabto.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayaa sheegay in dhammaan xarumaha caafimaad ee uu maanta booqday ay ka socoto shaqo wanaagsan, waxaana uu kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha xarumahaasi inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.