09
May
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’addaha PSI oo uu hogaaminayo Cabdiqani Xirsi madaxa hay’adda Puntland.
Garowe, May 06,2024:Wasiirka Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabbdirashiid Xasan Jaamac iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax, lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey (Dhagaweyne) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’addaha PSI oo uu hogaaminayo Cabdiqani Xirsi madaxa hay’adda Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay Mashaariicda hay’addu ka wado Puntland gaar ahaan mashruuca Damal Caafimaad oo ka socda xarumaha caafimaadka Gobolka Nugaal.
Wasiirka ayaa ku bogaadiyay shaqada caafimaad ee ay ka wadaan Puntland waxaana uu ku adkeeyay baahida loo qabo in sida ugu wanaagsan mashruuca ugu shaqeeyo bulshadana adeega caafimaad loo gaarsiiyo, dhankoodana ay ufududayn doonaan waxkasta oo lagu hormarinayo shaqada socota.
Kulamadaan waxaa kala qaybgalay qaar kamid ah Agaasimayaasha wasaaradda iyo madaxda qaybaha qaarkood.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.