05
May
Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka furtay tababar ku saabsan maamulka tayada xogta iyo isticmaalkeeda,waxaana ka qaybgelaya qaar kamid ah madaxda xogta ee gobolada iyo degmooyinka Puntland.(HIMS)
Garowe, May, 05, 2024: Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka furtay tababar ku saabsan maamulka tayada xogta iyo isticmaalkeeda,waxaana ka qaybgelaya qaar kamid ah madaxda xogta ee gobolada iyo degmooyinka Puntland.(HIMS).
Tababarka ayaa socon doono 5 maalmood ayaa lagu wadaa in la isku waydaarsado aqoon ku saabsan sidii kor loogu qaqdi lahaa tayada xogta iyo isticmaalkeeda.
Cabdirisaaq Crtan madaxa xogta wasaraadda caafimaadka dowladda Puntland:-
“ Waxaan dhammaan ka soo qaybgalayaasha uga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka tababarkan muhiimka ah ee ku saabsan maamulka tayada xogta iyo isticmaalkeeda, waxaa la idinku yeeray inaad ka faa’iidaysataan cilmi iyo aqoona aad ka kororsataan sidoo kalena inaad ilaalisaan waqtiga iyo joogitaanka tababarka iyo ka qaybgalkiisa casharada lagu qaadanayo.”
Dr Abraham Madaxa WHO Puntland oo furitaanka tababarka ka soo qaybgalay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo tababarka muhiimka ah oo looga hadlayo sidii looga shaqayn lahqq helitaanka xog dhamaystiran oo la hubiyay, waxaan uga mahadcelinayaa Artan iyo qaybta xogta sida ay waqti iyo juhdi badan ugaliyeen tayaynata xogta iyo xaqiijinteeda, waxaan dhamaantiin idinka rajaynayaa inaad ka faa’iidaysataan aqoona ka kororsataan.”
Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka DPL Dr Abdirshiid Hassan Jamac oo tababarka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsananay inaan idin kala soo qaybgalno tababarkan muhiimka ah, kuna saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada xogta iyo isticmaalkeeda. Tababarka waxaa uu soconayaa sida la xusay 5maalmood waana waqti ku yar marka laga hadlayo waxa lagu qaadanayo balse dadaal badan ayaa la idinka rabaa.”
“ Waxaan rabaa inaan xuso in waqtiga tababarku socdo la yareeyo waxkasta oo ka mashquulin kara, waayo waxaad ka shaqaynaysaan waa xog waxaana muhiim ah in muhiimad la siiyo. Wasaaradda xogtu waa waxa ugu muhiimsan ee la rabo in la ilaaliyo sax ahaan shaheeda iyo xaqiiqdeeda”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.