Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyeen Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xaaji Jaamac iyo Wasiirru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Hay’addaha Care International

03 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyeen Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xaaji Jaamac iyo Wasiirru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Hay’addaha Care International

Garowe, April 03,2024:Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyeen Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xaaji Jaamac iyo Wasiirru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Hay’addaha Care International oo uu hogaaminayo Cabdinuur Cilmi Emergency director  waxaa kaloo ku weheliyey Cabdiqaadir khabiir u qaabilsan caafimaadka iyo nafaqada iyo Xamdi Cabdulaahi madaxa caafimaadka iyo nafaqada.

Kulanka ayaa looga hadlay Mashaariicda hay’addu ka wado Puntland gaar ahaan qaybta caafimaadka iyo nafaqada sidii loo sii horumarin lahaa iyadoo lagu saleynayo qorshaha wasaaradda ee arrimaha Mashaariicda iyo horumarinta caafimaadka, CARE ayaa ka shaqaysa gobolada Sanaag, Bari, Mudug iyo Sool.
Wasiirka ayaa dhankiisa la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda iyo dadaalada socda, asagoo dhanka kalena uga mahadceliyey wada shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda.
Kulamada Wasaaradda iyo Hay’addaha la shaqeeya ay yeelanayeen tan iyo bilowgii sanadka cusub ayaa noqonaya sidii wasaaraddu ula wadaagi lahayd waxyaabihii qabsoomay sanadkii dhammaaday iyo qorshaha sanadka cusub ay leedahay si loogu saleeyo waxyaabaha hay’addduhu qabanayaan qorshayaasha wasaaradda ee sanadka 2024.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.