03
Apr
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xasan iyo Wasiirru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta kalan la qaatay isuduwayaasha wasaaradda ee gobolada Puntland
Garowe, April 03,2024:Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac iyo Wasiirru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed ayaa maanta kalan la qaatay isuduwayaasha wasaaradda ee gobolada Puntland, kulanka ayaa daarnaa is barasho iyo kala warqaadasho.
Wasiirka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay kulmaan masuuliyiinta gobolada ee wasaaradda waxaana uu ka dhegeystay xaaladaha caafimaadka ee gobolada iyo shaqooyinka horyaala ee sanadka 2024.
Isuduwayaasha ayaa wasiirka warbixin ka siiyay xalaadaha caafimaadka ee gobolada ay ka yimaadeen wakiilana uga yihiin wasaaradda, waxay xuseen in gobolada qaarkood ay ka jiraan cudurada faafa sida shubanka, gowracatada, xiiq dheerta iyo Jadeecada.
Wasiirka ayaa ka dalbaday inay warbixino dhamaystiran usoo gudbiyaan dhawaana uu kormeero shaqo ku tegi doono gobolada si uu usoo arko xaaladaha ka jira.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.