01
Apr
Wasaaradda caafimaadka oo booqasho ku tagtay xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Jawle iyo Jilab oo ku kala yaala kaamamka Jawle iyo Jilab ee magaalada Garowe.
Garoowe: 01 April 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Jaamac iyo wasiiru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed ayaa maanta kormeer ku tegey xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Jawle iyo Jilab (MCH) oo ku kala yaala kaamamka Jawle iyo Jilab ee magaalada Garowe.
Wasiirka ayaa soo arkay qaybta loo diyaariyey in lagu hayo laguna karantiilo bukaanada uu ku dhacay cudurka shubanka oo khatar badan ku hayey dadka soo barakacay ee dagan labadaas kaam ee Jawle iyo Jilab. Qaybtan lagu soo kordhiyey ayaa la dhigi doonaa laguna daweyn doonaa bukaanada cudurku ku dhaco, waxaan ka hawlgalaya dhakhaatiir iyo kalkaalisooyin habeen iyo maalin shaqaynaya lana tacaali doona bukaanada.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Sicid Jamac Qorsheel ayaa sheegay in xaruntan furantahay looguna talagalay in lagu karantiilo lagu daweeyo bukaanada cudur ku dhacay, waxaana uu xusay in xarumo kalena la samayn doono haddii kiisasku kordhaan.
Kormeerka wasiirka ayaa qayb ka ah dadaalada wasaraddu wado oo ku saabsan sidii looga jawaabi lahaa cudurka shubanka, waxaa sidoo kale wasaraddu gelisey kaamamka barakacayaasha kooxo guryaha ugu tagaya wacyigalina ka samayna, sidoo kale qaybta faya dhawrka ayaa ka waday wacyigelin.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.