31
Mar
Wasiirka Wasaradada Cafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa maanta shir gudoomiyay shirka guddiga xakamaynta iyo ka hortaga cudurada faafa oo lagu qabtay wasaaradda caafimaadka Puntland
Garowe, March 30, 2024: Wasiirka Wasaradada Cafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta shir gudoomiyay shirka guddiga xakamaynta iyo ka hortaga cudurada faafa oo ka kooban madaxtooyada, wasaaraddaha qaarkood, wakaalada biyaha iyo dowladda hoose degmada Garoowe, kaasoo loogu talagalay inay lagu xakameeyo loogana jawaabo cudurada faafa ee ka jira Puntland loogana hortago kuwa imaan doona xili roobaadka.
Wasaaradda ayaa ku soo bandhigtay warbixintii ugu danbeysay ee cudurada faafa ee ka jira gobolada Puntland sida shuban biyoodka, gawracatada, xiiq dheerta iyo jadeecada, shaqada laga qabtay iyo dadaalka wasaaraddu wado.
Wasiirka ayaa guddiga usoo jeediyay shaqooyinka horutebinta leh ee la rabo in la qabto waxaana hay’add kasta oo dowladeed lala wadaagay kaalinteeda, waxaana shirkan shirka xiga loo balamay 01 April 2024.
Shirka waxaa ku weheliyey wasiir ku xigeenka wasaraadda Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac, wasiiru dowlaha wasaaradda Axmed Shiikh Faarax Maxamed, agaasimaha guud Dr Maxamed Mohamuud Xidig iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.