28
Aug
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray ku yimi Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
GAROOWE -28 August 2022:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray ku yimi Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr- Jaamac Faarax Xasan, Agaasimaha guud Dr- Cabdirisaaq Hirsi Hasan iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa Madaxweynaha iyo Weftigiisa ku soo dhoweeyey Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha qaabka ay wasaaraddu u shaqayso iyo shaqada ay bulshada u hayso, iyada oo uu madaxweynuhu kormeeray qaybaha kale duwan ee wasaaradda sida qaybta Keydka Dawooyinka, qaybta qaboojinta dawooyinka iyo tallaallada ee Wasaardda. Agaasimaha guud ayaa isna sharaxaad ka biyey qaabka qaybahan kala duwani u shaqeeyaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa masuuliyiinta wasaaradda ku bogaadiyey shaqada ay bulshada hayaan, maadaama wasaaraddu ka mid tahay wasaaraddaha addeegga fiican bixiya.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.