23
Aug
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr-Cabdirisaaq Hirsi Hasan ayaa magaalada Garoowe ka furay tababarka tababarayaasha DHIS2 ee Barnaajika Qaaxada Soomaaliya “National TB Program
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr-Cabdirisaaq Hirsi Hasan ayaa magaalada Garoowe ka furay tababarka tababarayaasha DHIS2 ee Barnaajika Qaaxada Soomaaliya “National TB Program”.
Tababarkaan oo soconaya saddex maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxda qaybta qaaxada dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka socota Hay’adda World Vision.
Abdirisak Artan, madaxa maareynta iyo maamulka xogta wasaarada caafimaadka Puntland oo hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay shirka ayaa yiri:-
“ Waxaan dhamaan ka soo qaybgalayaasha tababarkaan ku soo dhawaynayaa magaalada Garoowe Puntland iyo dhulkiina waxaana rajaynayaa in maalmaha aad joogaysaan aan qayb ka ahaan doono sida aan idinku fududayn lahayd hawlaha kale duwan ee shaqada iyo kala qaadashada aqoonta aniga oo ku kalsoon inaad tihiin dhakhaatiir iyo adeegayaal caafimaad.”
Dr Ali Hasan madaxa barnaajika qaaxada ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo furitaanka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan dhamaantiin idin leeyahay ku soo dhawaada Puntland oo marti aydin ku ahayn, tababarkaan muhiimka ah waxa uu meesha ka saarayaa cidlo socoshadii barnaamijka qaaxada taasoo xogta kaliya laga soo aruurin jiray meelo cayiman, hada waxaa looga wareegayaa in xogta laga helo meelkasta oo caafimaad ama ha ahaato mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahay.”
“Waxaan rajaynayaa maalmaha aan wada joogno inaan wax badan kala baran doono aqoona isku dhaafsan doono laguna heeshiin doono qaabka xogta loo helayo iyo sida loo soo bandhigayo.”
Walter Mukhwana Ku xigeenka madaxa barnaamijka Global Fund TB Soomaaliya kana tirsan Hay’adda World Vision Puntland oo ka hadlay furitaanka ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo tababarkaan muhiim ka ah kaasoo looga tashanayo loogana arinsanayo sidii xog dhamaystiran looga heli lahaa qaaxada soomaaliya taasoo wax badan laga badali doono sida loo heli jiray xogta iyo meelaha koobnaa oo laga soo aruurin jiray, waxaan rajaynayaa in maalmaha aad joogtaan wax badan ku kala qaadan doontaan.”
Dr- Abdi Asiis Mohamuud Shire Madaxa barnaamijka qaaxada Wasaaradda Caafimaadka DF Soomaaliya oo ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan sharaf ii ah inaan qayb ka noqdo tababarkaan muhiimka ah ee looga arinsan doono helitaanka xogta qaaxada Soomaaliya oo dhamaystiran taasoo qaabkii hore wax looga badalayo loona guuri doono mid meel kasta ka imaan doonta.”
“ Bishii June Sanadkaan Nairobi shir ka qabsoomay oo ku saabsanaa qaaxada ayaa la iskula soo qaaday sidii loo hormarin lahaa helitaanka xogta inta maqan ee dadka xanuunka uu ku dhaco, waxaan shirka kusoo bandhignay in sanadkasta Soomaaliya laga soo gudbiyo xogta ah 41,000 oo qof ku dhacdo qaaxada, taasoo la iskula soo qaaday in la kordhiyo meelaha laga soo aruuriyo xogta si mid dhamaystiran loo helo.”
“Shirka waxaa sidoo kale la iskugu af gartay in la ogolaado in meelaha dawladu ku leedahay laga dhex furan karo xarun TP taasoo noqonaysa Public Private Partnership ama meelaha aan dawladu joogina xarumo gaar loo leeyahay oo TB lagu baaro laguna daweeyo xogtana laga helo, waxaan rajaynayaa in dadka ka maqan xogta aan helno kordhi doonto marka laga xogta xarumaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah, sidoo kale in kor loo qaado wacyigalinta dadkeena inay iska baraan qofka ka shakiya madaama lacag la’aan tahay baaritaaka iyo dawaynta labadaba.”
Dr Abdirizak Hersi Hassan agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo shirka furay ayaa yiri:-
“ Ugu horayn waxaan dhamaantiin idinka mahadcelinayaa ka soo qaybgalka tababarkaan muhiimka ah ee looga arinsanayo sidii loogu soo dari lahaa xogta guud ee caafimaadka loogana soo guuri lahaa qaabkii hore ee kali socodka ahaa, anigu waxaan xasuustaa Puntland oo aan jirin oo xarumo qaaxada ah ka furnaayeen markaasna shaqaynayeen, dad markaas is xilqaamay ay ka hirgaliyeen oo ay ka mid yihiin Tadaamun iyo kuwa kale, kadib ayaa waxaa sanadkii 2004-2005 soo kordhay sanduuqa caalami ah ee loo yaqaano “Global Fund” kasoo ka shaqaynayay barnaamijyada qaaxada iyo AIDS ka o
“ Waxaan isleeyahay waqtigaan inuu ubaahanyahay in wax laga badlo qaabka uu udhisanyahay NTP “National TB Program” oo ay isticmaalaan maamulada iyo kii qaranka marka waxaan isleeyahay waxa loo baahanyahay in laga dhigo maamulada STP “ State TB Program” dawlada dhexe kaliyana loo daayo magaca NTP, si loo kala sooco midka qaranka iyo kuwa maamulada. Arinta aan maanta ujoogno oo ah in barnaamijka qaaxada lagu daro system “DHIS2” sanduukha guud ee xogta caafimaadka, taasoo noqonaysa in xarumihii TB ee cidlada ku yaala lagu daro ama la dhex geeyo xarumaha dawliga ah sida meesha cisbitaal leh in cisbitaalka la geeyo meelaha kalena xarumaha caafimaadka la geeyo, taasoo ka bilaabatay Soomaaliya qaybo kamid ah intaan ogahay oo Puntland ugu horayso, labo arimood ayaa jiray waqtigii hore oo mida koowaad ahayd in la takooro qofka xanuunka qaba taasoo marka la arko isaga oo cidlo wareegayo la dhahayo xanuunka ayuu qabaa iyo mida labaad oo ahayd in dadku ay ka cabsi qabeen qof xanuunka qaba inuu xarumaha kale dhex yimaado taasna waxaan umalaynayaa in dhakhatiirtuna waa joogtaaye taas laga gudbay oo qofka hadii uu ka gudbo labada bilood ee ugu horaysa dawada qaato inuusan khatar keenayn.”
“Maanta waxaan ufadhinaa in xogta xanuunka qaaxada lagu daro DHIS2 oo ah mida guud ee lagu soo gudbiyo xogta caafimaadka Soomaaliya oo dhawaan loo gudbay, waxaana noo sahli doonaa maamulka caafimaadka inaan xogta oo dhamaystiran aan helno, ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa masuuliyiinta xogta Soomaaliya oo Cartan iyo Hassan kamid yihiin Shaqada ay ka qabteen midaynta xogta dalka.”
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.