Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan abaaraha, kaasoo u dhaxeeyey wasaaaradda iyo hay’addaha la shaqeeya

18 Aug

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan abaaraha, kaasoo u dhaxeeyey wasaaaradda iyo hay’addaha la shaqeeya

Garoowe 15 August – 2022: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan abaaraha, kaasoo u dhaxeeyey wasaaaradda iyo hay’addaha la shaqeeya.
Shirkan waxaa wasiirka ku weheliyey agaasimaha guud ee wasaaradda Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda caafimaadka, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay saraakiil ka socotay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah qaarkood.

Shirku  intuu socdey ayaa waxaa lagu soo bandhigtay xogtii ugu danbeysey ee laga soo aruuriyey deegaamada abaaruhu saameeyeen oo qaarkood ay ka jiraan xaalad adag oo caafimaad, sida xanuunka Jadeecada iyo Nafaqada ayaa ugu daran oo saamayn weyn ku yeeshay dadka la daala dhacaya abaarta adag ee dalka ka jirta, waxaa sidoo kale la isla meel dhigay sidii wadajir looga wada shaqayn lahaa caawinta iyo u gurmashada dadka reer guuraaga ah.”
Dr-C abdirizak Xirsi Hasan agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka ka hadlay ayaa ugu horayn uga mahadceliyay agaasimaha qorshaynta soo qabanqaabinta shirkan muhiim ka ah iyo hay’addaha ka soo qaybgalay.
“Shirkan maanta aan iskugu nimid waxaan ugu talagalnay inaan dib ugu fiirino xaaladihii ugu danbeeyey ee abaarta iyo saamaynta dhanka caafimaadka ah ee ay keentay, waxaana rajaynayaa marka uu soo gebogeboobo inaan isla qaadano qorshe wada jir ah oo aan wax uga qabanayno abaarta jirta.”
Dr- Jaamac Faarax Xasan wasiirka wasaradda caafimaadka Puntland oo shirka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idin kala soo qaybgalo shirkan muhiimka ah ee wasaaraddu idin kula wadaagayso xog ururintii ugu danbeysey ee saamaynta abaarta ee dalka ka jirta ay ku yeelatay bulshada dhanka caafimaadka, waxaan rabnaa inaan sii dardargalino hawshii aan haynay ee dhanka ka jaawaabida xaalada abaaraha iyo sidii aan ula tacaali lahayn xanuunada kordhaya, wasaaraddu waxay kooxo caafimaad ukala dirtay dhammaan degmooyinka iyo gaar ahaan meelaha reer guuraagu iskugu tageen si ay daweyn iyo la socoshada xaaladooda uga war hayaan.”
“Waxaan ka rajaynayaa shirkan inuu noqdo mid mira dhala ayna ka soo baxdo qorshe wada jir ah oo loogu gurmanayo dadkeena abaaraha la daala dhacaya.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.