Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa qaabishay wefti ka socdey Safaaradda Finland ee Nayroobi iyo hay’adda UNFPA

12 Jun

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa qaabishay wefti ka socdey Safaaradda Finland ee Nayroobi iyo hay’adda UNFPA

Garoowe: 02 Jun 2022:- Wasiir-ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Mudane Abdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Safaarada Finland Soomaaliya iyo hay’adda UNFPA Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. NIYI madaxa Soomaaliya, waxaana ku wehelinayay madaxa horumarinta mashaariicda ee safaaradda Dalka Finland qaybteeda  Soomaaliya iyo Madaxa waxbarashada iyo Caafimaadka.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyey Agaasimaha guud iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada  wasaaradda caafimaadka iyo saraakiil ka socotey safaaradda Finland ee Soomaaliya, hay’adda UNFPA Puntland iyo Soomaaliya.
Kulanka ayaa iskugu jiray is barasho iyadoo uu xafiiska ku cusubyahay dhawaana la soo magacaabay Mr. NIYI ayna tahay markii ugu horaysay ee uu Puntland imaanayo, waxaa sidoo kale warbixin laga siiyey xaaladaha caafimaadka Puntland iyo mashaariicda caafimaadka ee ay sida wada jirka ah uga wada shaqeeyaan UNFPA Iyo Puntland.
Wasiir-kuxigeenka ayaa uga mahadceliyey weftiga booqashadooda wasaaradda iyo taageeradooda.
Ugu dambayn waxa xusay inay wasaaraddu diyaar utahay in la xoojiyo wada shaqaynta ay la leedahay wadama deeqaha bixiya oo ay ka mid tahay Finland iyo hay’adda UNFPA si dhawna ula shaqayn doonto madaxa cusub.

 


 

 

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.