27
May
Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo ay weheliyaan masuuliyiin Madax ka socotay Hay,adda caafimaadka adduunka ayaa safar ku tagey Gaalkacyo
Garoowe: 10 May 2022: Wefti balaaran oo ay hogaaminaysey wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Marwo Foosiya Abiikar Nuur ayna ku wehelinayeen Madax ka socotay hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maanta safar shaqo ku soo gaaray magaalada Gaalkacyo waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland ahna kusimaha wasiirka, weftiga ayaa waxa ay shir la yeesheen madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland xarunta gobolka kaasoo looga wada hadlay shaqada socota qorshayaasha wasaaradda, kadib waxay kormeereen xarumo caafimaad iyo xarumo barakacayaal.
Waftiga waxaa hogaaminayay Agaasime Gobaleedka Mandiqadda Mediterranean-ka ee Urrurka Caafimaadka Aduunka ee Qaramada Midoobay (WHO) Dr Axmed Al-Mandhari waxaana oo ay wehelinayeen, Agaasimaha Hawlgallada ee Xafiiska EMRO, Dr Sussan Bassiri, Madaxa Xafiiska WHO Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik iyo khubro kale .
Kormeerka weftiga ayaa diirada lagu saarayay Abaaraha iyo saamaynta caafimaad ee ka dhalatay, waxaana ay booqashadooda ku tageen xarunta caafimaadka Gobolka, Cisbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo, Salaama IDP iyo Halabooqad IDP, dhammaan meelaha ay booqdeen waxay warbixino ka dhageysteen masuuliyiinta joogtey.
Wasiir-kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland Ahna kusimaha wasiirka Mudane Abdinaasir Yusuf Xaaji ayaa warbixin dheer ka siiyay guud ahaan xaalada caafimaad ee Puntland gaar ahaan gobolka Mudug iyo saamaynta abaaraha ay ku yeelatay shaqooyinka wasaaraddu ka samaysay kuwaasoo la xiriiray ololahala kooxo caafimaad loogu kala diray meelaha abaaruhu saameeyeen ee miyiga iyagoo adeegyo caafimaad ka bixiyey sidoo kale cudurka jadeecadda oo degmooyinka qaar ka dilaacay oo adeegyo caafimaad la siiyay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND