20
Apr
Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya.
Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya.
Garoowe: 18 April 2022: Wasiir-ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya oo uu hogaaminayay Nejmudin Kedir Bilal ah ku-xigeenka madaxa Soomaaliya.
Wasiirka waxaa kulanka kala qaybgalay agaasimayaasha wasaaradda caafimaadka iyo saraakiil ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya.
Kulankaan ayaa looga wada hadlay mashaariicda caafimaadka ee ka socda Puntland ee ay ka wadao hay’adda UNICEF, waxaana sidoo kale la iskula soo qaaday qorshaha wasaaradda ee Sanadkaan iyo halka ay marayaan guud ahaan caafimaadka.
Nejmudin Kedir Bilal ayaa wasaaradda uga mahadceliyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa waxaana uu ku amaanay shaqada socota, waxaa uu balan qaaday inuu sii laba jibaari doono xiriirka wanaagsan ee ka dhaxaysa.
Mudane Cbdinaasir Yuusuf Xaaji wasiir-ku-xigeenka wasaaradda ayaa dhankiisa uga mahadceliyay hay’addda UNICEF wada shaqaynta kala dhaxaysa wasaaradda iyo kaalinta wax ku ool-ka ah ee ay ugu jirto, waxaa uu la wadaagay halka ay marayaan mashaariicda socota oo ay ugu waaweyn yihiin dhismayaasha Cisbitaalada degmooyinka qaarkood oo ay gacan ku hayso UNICEF.
Kulanka ayaa la iskula qaatay sidii loo sii wadi lahaa wada shaqaynta mashaariicda loona hormariyo caafimaadka Puntland.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND