Shirka dib u eegista Mashruuca Caafimaadka Gobolka Karkaar oo Qardho laga daah-furay.
Shirka dib u eegista Mashruuca Caafimaadka Gobolka Karkaar oo Qardho laga daah-furay.
Qardho, Mar,23,2022:- Waxaa Magaalada Qardho saaka ka furmay shir balaaraan kaas oo dib loogu eegayo mashruuca Caafimaadka Shine ee Gobolka Karkaar, kaas oo ay wado wasaaradda caafimaadka Gobolka karkaar oo gacan ka helaysa Hay’ada Save The Children iyo Unicef.
Shirka oo ay kasoo qayb-galeen madaxda iyo hawl-wadeena xarumaha caafinaadka ee Gobolka Karkaar iyo Madaxda WasaaraddaCaafimaadka ee Gobolka Karkaar ayaa lagu soo bandhigay waxyaabihii qabsoomay muddadii uu mashruucaan socday, caqabadaha jira, inta bukaan ee ka faa’idaystay, adeegyada cusub ee la helay inta uu mashruucu socdey, waxyaabaha loo baahan-yahay in weli la gaaro, ka jawaabista degdega ah ee la sameeyey iyo arimo kale.
Madaxda Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Cabdirisaaq Xirsi Xasan, Agaasinka waaxda qorshaynta Dr Xidig, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir, madaxda Xafiiska Caafimaadka Gobolka karkaar, hawl-wadeeno iyo madax kale ayaa furitaanka shirka ka qayb-gallay.
Ugu horay Liibaan Axmed khayr Madax xafiiska wasaaradda caafimaadka ee gobolka karkaar iyo ku xigeenkiisa ayaa sharaxaad qoto-dheer ka bixiyay muhiimada uu mashruucaan u leeyahay bulshada gobolka karkaar, sidda loogu faa’iiday iyo habka ay ka wasaarad ahaan u maareeyeen, sida ugu wanaagsan ay shacabku uga faa’idaysteen.
Dr Jama Maxamed Dacar Madaxa mashruuca Caafimaadka ee Hay’ada Save oo hadalka qaatay ayaa dhankiisa xusay in mudo dheer ay hay’adu u taagnayd horumarinta adeegyada aasaasiga ah, maanta ay guulo waaweyn kasoo hoyeen, mudo dheerna gacanta ku hayaan adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka ee guud ahaan Gobolka Karkaar.
Xiir Yuusuf Caamir gudoomiye ku xigeenka gobolka karkaar iyo agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka DR Cabdirisaaq Xirsi Xasan, ayaa dhankoos hawl-wadeenada iyo madaxda ku amaanay shaqada muuqata ee ay hayaan, iyo sidda ay markasta heeganka ugu yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka oo aasaasi u ah nolosha bini’aadanka.
Ugu danbayn Dr cabdirisaaq Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka puntland ayaa sheegay in ay wadaan dadaal la doonayo in lagu kordhiyo mashruuc sii socoshadiisa, ayna arintaas ka codsadeen Hay’ada ka shaqeeya iyo Dawlada UK oo iyadu dhaqaalaha mashruucaan bixisa.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND