Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada Taleex Ee Gobolka Sool

14 Jan

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada Taleex Ee Gobolka Sool

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada Taleex Ee Gobolka Sool.
Garowe, Jan,11,2022:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta degmada Taleex ee gobolka Sool ku wareejisay gaari Ambalaasah kaasoo loogu talagalay in loogu adeego hooyada iyo dhallaanka ku nool degmada iyo hareeraheeda.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xasan, wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyada, xildhibaano,agaasimaha guud ee wasaaradda, isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Sool iyo xiriiriyaha Puntland ee Mashruuca Marwo Caafimaad ayaa ka qaybgalay wareejinta Ambalaasta.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo hadal ka jeediyay  furitaanka ayaa sheegay:-
“ Baabuurka Ambalaasta ee maanta aan ku wareejinayno degmada Taleex ee gobolka Sool waxay ka mid tahay baabuur dowladda oo kaashanaysa Bankiga adduunka u soo iibisey qaar ka mid ah degmooyinka Puntland shalayna aan degmada Eyl ku wareejinay maantana Taleex aan ku wareejinayno.”
Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad iyo Xildhibaan Ahmed Yaasiin oo iyaguna ka hadlay xaflada lagu wareejinayo gaariga ayaa xusay muhiimada gaarigani u leeyahay degmada:-
“ Waxaan uga mahadcelinaynaa in maanta aan goobjoog u noqono wareejinta wasaaradda caafimaadka ku wareejinayso degmada Taleex ee gobolka Sool, waxaan sidoo kale wasaaradda ku bogaadinaynaa gaarsiinta adeega caafimaad deegaamada laamiga ka fog oo degmada Taleex ka mid tahay, kuwaasoo sida aad ogtihiin baahiyahoodu badanyihiin, waxaan sidoo kale maamulka caafimaadka heer gobol iyo midka degmada Taleex kula dardaarmayaan inay ilaashadaan sida loogu talagalayna ugaga faa’iidaystaan gaarigan.”
Wasiir Cabdi Warsame Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyada oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay:-
“ Waxaan ugu hambalyaynayaa degmada Taleex in maanta ay helayaan tan iyo sidii ay degmada unoqdeen gaarigii ugu horeeyay oo Ambalaas ah kaasoo meesha ka saari doona baahidii loo qabay, waxaan bulshada degmada taleex kula dardaarmayaa inay ilaashadaan gaarigan casriga ah ee cusub, ugu danbayna wasiirka iyo wasaaradda waan uga mahadcelinayaa inay degmada Taleex kamid noqotay kuwa nasiibka uyeeshay inay Ambalaas helaan.”
Dr- Jaamac Faarax Xasan Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntlnd oo hadal ka jeediyay ayaa xusay muhiimada ay uleedahay wareejinta iyo gaarsiinta baabuurta Ambalaasta ah degmooyinka laamiga ka fog waxa uu yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan ku wareejino maamulka caafimaadka gobolka Sool iyo kan degmada Taleex gaarigan Ambalaasta ah oo aan ugu talgalnay in loogu adeego hooyada iyo ilmaha iyo xaaladaha degdega ah.”
“ Wareejinta gaarigan waxa uu qayb ka yahay siyaasada wasaadda caafimaadka ee ah in adeeg la gaarsiiyo deegaanada laamiga ka fog loona daboolo inta la awoodo baahiyaha caafimaad ee ka jira, waxaana baahiyaha ugu weyn ee ka jira tahay helitaanka baabuurta Ambalaasta ah, degmada Taleex waxay muddo dheer kadib maanta yeelanaysaa gaari Ambalaas ah oo loogu adeegi doono Hooyada iyo dhallaanka.”
“Ugu danbeyn waxaan kula dardaarmayaa maamulka caafimaadka gobolka Sool iyo kan degmada Taleex inay ilaashadaan dhawrtaana,  dayactirtaan, wasaaradduna waxay si dhaw u daba geli doontaa gaarigan iyo in looga faa’iidaystay sidii loogu talagalay.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.