28
Nov
Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka oo xariga ka jaray Xarunta Cusub ee Qaybta Nafaqada Carruurta ee Isbitaalka Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka oo xariga ka jaray Xarunta Cusub ee Qaybta Nafaqada Carruurta ee Cisbitaalka Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
13-Nov-2021:- Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyeen xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Ciise iyo agaasimayaasha caafimaadka guud iyo Maamulka wasaaradda ayaa xariga ka jaray qeyb Cusub oo Nafaqada Carruurta ah oo lagu soo kordhiyey Cisbitaalka degmada Eyl.
Agaasimaha Guud ayaa dhanka kale dawo kala wareegay xildhibaanka taas oo loogu talagalay cisbitaalka degmada, waxaana uu uga mahadceliyay xildhibaanka dawooyinka uu cisbitaalka ku wareejiyay iyo la shaqaynta wasaaraddda. Wuxuu kaloo maamulka cisbitaalka iyo bulshada deegaanka kula dardaarmay inay ilaashadaan qalabka iyo dawooyinka cisbitaalka yaala wasaaradduna markasta ka war hayn doono.
Agaasimaha ayaa sidoo kale kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka gaar ahana qaybta loogu talagalay in lagu qalo hooyada uurka leh ee dhalmadu ku adkaato.
Wuxuu sidoo kale maamulka cisbitaalka ku amaanay horumarka ka socda degmada dhanka caafimaadka iyo bixinta adeega looga baahanyahay.
Ugu danbeyn waxay booqdeen xarumaha hooyada iyo dhalaanka (MCH) oo ku yaala Baday iyo Daawad.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND