Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland oo maanta booqday Jaamacadda Culuumta caafimaadka Boosaaso.

27 Nov

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland oo maanta booqday Jaamacadda Culuumta caafimaadka Boosaaso.

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland oo maanta booqday Jaamacadda Culuumta caafimaadka Boosaaso.
Boosaaso, Nov, 23, 2021: Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland Dr- Cabdirsaaq Xirsi Xasan oo uu wehelinayay agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa maanta booqday jaamacadda culuumta caafimaadka Boosaaso.

Waxaa xarunta jaamacadda ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jaamacadda Prof- Cabdirisaaq Xuseen Xasan.
Agaasimayaasha ayaa booqday labo kamid ah fasalada jaamacadda waxayna kala hadleen xanuunka Covid19 saamaynta uu yeeshay iyo in loo baahanyahay in tallaalka ay  qaataan iyaga iyo qoyskoodana usheegaan muhiimada tallaalku leeyahay, ardayda ayaa su’aalo ka weydiiyay saamaynta tallaalku leeyahay, haday jiraan caqabado ka yimid tallaalka inta la qaatay, agaasimayaasha ayaa uga jawaabay su’aalaha ay qabaan tallaalada dalka yaala iyo faa’iidada laga arkay si gaar ah in dadka tallaalka qaatay markii xanuunku ku dhacay ay uga sahlanaayeen saamayn ahaan dadka aan tallaalka qaadan.
Ugu dambayn Agaasimaha ayaa kormeerkiisa kadib ka hadlay kormeerka uu maanta ku yimid jaamacadda culuumta caafimaadka waxaana uu yiri:-
“ Waxaan maanta booqasho ku nimid jaamacadda Culuumta Caafimaadka Boosaaso oo ka mid ah Jaamacadda ugu cimriga dheer uguna horeeyay ee laga aasaasay Puntland, si gaar ah u soo saaray xirfadlayaal caafimaad oo dalka wax badan ka badalay.”
“Booqashada maanta ayaa iskugu jirtay is xog waraysi aan la yeelanay madaxda jaamacadda oo aan xiriir fiican leenahay mataanoyihiin wasaaradda wax badana ka wada shaqeeyaan, sidoo kale waxaan wacyigelin u samaynay ardayda qaar kamid ah oo aan la wadaagnay xaaladihii ugu danbeeyay xanuunka Covid19 saamayntiisa iyo qaadashada tallaalka. Waxaan hadda Prof. Cabdirisaaq ka wada hadalnay inaan tallaal keeno xarunta jaamacadda si ay uqaataan ardayda iyo macallimiintuba, waxaan uga mahacelinayaa madaxda jaamacada soo dhoweyntooda qiimaha badan.”
“Waxaa ka bilaabanayaa gobollada iyo degmooyinka Puntland Ololaha Tallaalka Covid19 kasoo dadka looga tallaalayo xanuunka, waxaan rabaa inaan halkaan fariin uga diro dadweynaha Inay tallaalka qaataan si aan u yarayno saamaynta xanuunka.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.