27
Nov
Shirka Dib u eegista mashruuca caafimaadka gobolada Bari iyo Gardafuu oo maanta Boosaaso ka furmay
Shirka Dib u eegista mashruuca caafimaadka gobolada Bari iyo Gardafuu oo maanta Boosaaso ka furmay.
Boosaaso, Nov, 24, 2021: Waxaa maanta ka bilawday magaalada Boosaaso shirka dib u eegista caafimaadka ee gobolada Bari iyo Gardafuu, shirkan ayaa waxaa dib loogu eegayay mashruuc cusub oo caafimaadka ah oo sanadkan ka bilawday labada gobol waxaana uu taageeraa ilaa 7 degmo.
Mashruucan waxaa wasaaradda kala shaqeeya Hay’ada badbaadada carruurta ee Save the Children, kaasoo bilawday sanadka 2021 soconayana ilaa 2024.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan, agaasimaayasha waaxyaha caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi iyo Qorshaynta Dr- Maxamed Mohamuud Xidig madaxa xogta wasaaradda caafimaadka Mudane Cabdirisaaq Cartan ayaa ka qaybgalay shirkan muhiimka ah.
Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Bari Siciid Waraabe oo furitaanka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo ugu sareeyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimayaasha wasaaradda sidoo kale madaxda hay’adda Save the Children taasoo muujinaysa muhiimadda uu leeyahay mashruucan ka shaqeeya gobolada Bari iyo Gardafuu, mashruucan ayaa wax badan ka badalay caafimaadka gobolka inta uu socday waxaana jira guulo waaweyn oo laga gaadhey sanadkii dhammaaday.”
Mohamed Billow Mahad sii hayaha madaxa xafiiska Puntland ee hay’addaha Badbaadada carruurta Save the Children oo shirka hadal ka jeediyaya ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo shirkan muhiimka ah oo dib ugu eegayno mashruuca caafimaadka ee CHASP aan kala shaqayno wasaaradda caafimaadka Puntland kaasoo wejigii koowaad dhammaaday sanadkan bilawgiisii, qaybtii labaadna aan ku guda jirno kaasoo soconaya saddexda sano 2021 ilaa 2024. Mashruucu wuxuu taageeraa 58 xarumood (5 Isbitaalo Degmo, 14 Xarumo caafimaad, 38 Baro caafimaad) oo ku yaal toddobo degmo oo gobolada Bari iyo Gardafuu ah. Mashruucan waa ka kooban Caafimaad, adeega nafaqada, Biyaha iyo nadaafada(WASH) ee xarumaha iyo ka hortaga tacadiyada GBV si loo helo caafimaad wax ku ool ah. Waxaan u mahadcelinaynaa deeq bixiyaasha mashruuca ee SIDA iyo SDC oo bixiyey dhaqaalaha mashruucan iyo sidoo kale wasaaradda caafimaadka heerarkeeda kala ah kuwa degmo, gobol iyo heer dhexeba”
Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo shirka furay ayaa yiri:-
“Maanta waxaan halkan iskugu nimid shirka dib u eegista mashruuca CHASP project kaasoo ka shaqeeya gobolada Bari Iyo Gardafuu waxaana mashruucaan nagala shaqeeya hay’adda Badaabada carruurta Save The Children, mashruucaan ayaa ka shaqeeya 7 degmo oo ka mid ah labada gobol ee ka kooban yahay, qaybta koowaad (phase1) ee mashruca oo soo socdey 3 sano ayaa dhammaaday bishi May, waxaa hada galaynaa qaybta labaad (phase2) oo isna socon doona 3 sano oo kale laga bilaabo 2021-2024, waan u hambaylaynayaa shaqaalaha kala duwan ee xarumaha caafimaadka, kuwa heer degmo iyo kuwa heer gobolba. Wasaarada caafimaadka waxaa ka go,an in ay gaarto goob walba oo ay joogaan hooyo iyo dhalaan”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.