Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Olalaha tallaalka macallimiinta iyo ardayda ka weyn 18-ka Sano ayaa maanta laga daahfuray dugsiga sare ee Gambool

05 Oct

Olalaha tallaalka macallimiinta iyo ardayda ka weyn 18-ka Sano ayaa maanta laga daahfuray dugsiga sare ee Gambool

Olalaha tallaalka macallimiinta iyo ardayda ka weyn 18-ka Sano ayaa maanta laga daahfuray dugsiga sare ee Gambool.
04-Oct-2021:- Wasaaraddaha caafimaadka iyo waxbarshada dowladda Puntland ayaa maanta dugsiga sare ee Gambool ka daahfuray mashruuca tallaalka badbaadsan oo lagu tallaalayo macallimiinta iyo ardayda dugsiyada sare dhigata ee ka weyn da’da 18-ka Sano ee Puntland.

Ololalahan oo socondoona muddo 10 casho ah ayaa lagu tallaali doonaa in ka badan 700 qof oo ka shaqeeya 369 dugsi sare oo ku kala yaala 9 gobol.
Dr-Cabdirisaaq Xirsi Xasan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:- Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan halkaan dugsiga Gambool ka wada daahfurno wasaaradda waxbarshada ololaha tallaalka macallimiinta iyo ardayda 18-ka sano ka weyn, tanina waxay qayb ka tahay xakamaynta caabuqa Karoona. Waxaan ku boorinaynaa in inta tallaalku socdo si fiican looga faa’iideysto oo tallaalka la qaato.
Mohamed Said madaxa hay’adda Save the children Puntland oo ka hadlay furitaanka ayaa yiri:- “ Waxaan soo dhoweynayaa inaan maanta ka soo qaybgalo furitaanka ololaha mashruuca tallaalka macallimiinta dugsiyada sare dhiga 18 degmo oo ku kala yaala Puntland, waxaan rabaa inaan sidoo kale idin xasuusiyo in dugsiyada sare ee Puntland ay intaas ka badanyihiin balse waxaan ka Save ahaan kala shaqayn doonaa wasaaraddaha waxbarashada iyo caafimaadka sidii tallaalka loo wada gaarsiin lahaa mustaqbalka.”  “Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa wasaaraddaha caafimaadka iyo waxbarashada sida ay noogala shaqeeyeen inaan mashruucaan wada fulino waxaana rajaynayaa in dadka loogu talagalay la talaalo.”
Abdulaahi Mohamed Xasan wasiirka wasaaradda waxbarashada oo isna ka hadlay daahfurka mashuuca ayaa yiri:- “ Waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadceliyo wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha Save the Children, UNICEF maanta inaan halkaan ka wada daahfurno mashruucan lagu talaalayo macalimiinta iyo guddiyada ka shaqeeya waxbarashada kaasoo loogu talagalay in la gaarsiiyo ilaa 369 dugsi sare oo ku yaala Puntland.” Mashruucaan ayaa ku soo beegmay iyada oo dugsiyada dib loogu laabtay sanadka cusub ee waxbarashada taasoo la doonayo maclimiinta iyo ardayda in naftooda looga badbaadiyo saamaynta uu ku yeelan karo sii socoshada waxbarashada, waxaana rajaynayaa in dadka loogu talagalay talaalka ay qaadan doonaan.”
Ugu danbeynta Dr- Jaamac Faarax Xasan wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland oo barnaamijka daahfuray ayaa yiri:- “Waxaan maanta wasaaraddaha caafimaadka iyo waxbarashada ka wada daahfuraynaa ololaha lagu tallaalayo macalimiinta dugsiyada iyo ardayda ka weyn da’da 18 sano kuwaas oo dugsiyada dhigta,mashruucanaan maanta daahfurayno ayaa qaybka ah dadaalka wasaaradda caafimaadka iyo dowlada Puntland ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa in dad weynaha la tallaalo qaybahooda kala duwan si loo yareeyo saamaynta uu xanuunku yeelan karo.”
“ Waxaan ku boorinaynaa macalimiinta iyo qoyskaskooda iyo dadka ku hareeraysan inay tallaalka qaataan, waxaana dhammaanteen ognahay macallimiinta inay ka midyihiin dadka ugu badan ee xanuunka fidin kara ama uu ku dhici karo maadaama ay wax udhigayaan arday kala duwan iyo fasalo kala duwan taasoo keeni karta inay si sahlan ku qaadaan ama ku faafiyaan hadaba si taas aan uga wada fogaano waa inaad tallaalka qaadataan.”
“ Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa inay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee ololahu soconayo oo 10 casho ah sidaa aad maqasheena la doonayo in la gaaro in ka badan 700 oo qof oo iskugu jira macalliinta iyo dadka ka shaqeeya dugsiyada.” Waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadceliyo hay’addaha barnaamijkaan aan ka wada shaqaynayno ee Save the Children UNICEF iyo WHO, waxaan ku dhawaaqayaa in mashruuca tallaalka badbaadsan si rasmi ah u daahfuray.”
DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.