Wasaaradda Caafimaadka (MoH), Puntland waxaa dib loo yagleelay 2001 kadib dhismihii dowladda Puntland ee Soomaaliya. Wasaaradda caafimaadka Puntland waxay ka shaqeysaa inay ka taageerto dhammaan sagaalka gobol ee Puntland helitaanka addeeg caafimaad oo tayo leh.
Si loo gaaro himilooyinkan, siyaasadda dowladdu waxaa mudnaanta la siinaysaa:
Kordhinta adeegyada aasaasiga ah iyo caafimaadka iyo nafaqada (EPHS)
Ka gudubka caqabadaha shaqaalaha ee caafimaadka
Hagaajinta maamulka iyo hogaaminta nidaamka caafimaadka
Kordhinta helitaanka daawooyinka lagama maarmaanka ah iyo teknoolojiyada
Bixinta nidaam macluumaad caafimaad oo shaqeynaya
Maalgelinta caafimaadka ee horumarka ku wajahan Caymiska Caafimaadka Universal (UHC)
Bixinta nidaam macluumaad caafimaad oo shaqeynaya
Kordhinta u diyaargarowga iyo ka jawaab celinta xaaladaha degdega ah ee caafimaadka
Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland waxay Ka koobantahay Lix waaxood kuwaas oo kala ah;
Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
Waaxda Maamulka iyo Maaliyada
Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Caafimaadka,
Waaxda Caafimaadka Bulshada iyo Kahortaga Cudurada
Waaxda Daryeelka Caafimaadka Aas-aasiga ah
Waaxda Daaweynta.
Waaxkasta waxaa hoostaga Madaxqaybeedyo iyo shaqaale Tayadooda iyo Tababarkoodaba Lahuabiyay, Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadku waxay Leedahay Xafiisyo Heer Gobol iyo Heer Degmo.
Waxaan aad ugu mahadcelinaynaa, doorka ay dowladda Puntland ka qaadatay howlaha caafimaadka, Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dhammaan hay,adaha nagala shaqeeya hawlaha caafimaadka sida;
UNICEF, WHO, World Bank, UNFPA, IOM, WFP, Save Children, WVI, MSF, TADADUM, Care internatiol, ADRA, UNHCR, FAO iyo ururka Bisha Cas ee Somaliya iyo bulshada reer Puntland oo dhan sida ay gacanta uga gaysteen horumarinta dhismayaasha xarumaha caafimaadka iyo wada shaqeynta.