21
Dec
Cisbitaalka Garowe oo maanta laga daahfuray qaliimo loo samaynayo dadka faruuran.
Cisbitaalka Garowe oo maanta laga daahfuray qaliimo loo samaynayo dadka faruuran.
19,Dec,2020:- Waxaa maanta ka bilawday cisbitaalka weyn ee Garowe qaliimo dadka faruuran si bilaash ah looga samaynayo.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo ka qaybgalay ayaa xusay inay farxad weyn utahay, waxaana uu sheegay inay tahay markii 7aad oo qaliinkaan laga qabto Puntland, kaasoo oo markii ugu horaysay bilaabatay 2010.
Qorsha qaliinkaan uu ahaa mid sanadkasta marba cisbitaal ku yaala gobolada lagu qabtay qaarkoodna lagu qabtay sida Boosaaso oo mar lagu qabtay iyo dhawr jeer oo garowe lagu qabtay.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in hada ay diiwaan gashanyihiin 163 qof oo ka faa’iidaysan doona.
Waxaana uu maamulka cisbitaalka shaqaalaha iyo dhamaan adeegayaasha cisbitaalka uu ku amaanay sida ay ugu diyaar garoobeen in maanta la soo gaaray uuna ka rajaynayo in shaqada inta ay socotana dhakhaatiirta lala shaqeeyo loona fududeeyo shaqadooda.
Dadka nasiibka u helay inay ka faa’iidaystaana waxa uu urajeeyay in ilmahooda oo lagu guulaystay qaliinkooda cisbitaalka kala bixi doonaan idanka rabi, wasaaradda ahaana ay kalsooni ku qabaan dhakhaatiirta qaliinka samaynaya.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Abdinaasir Yuusf Xaaji oo qaliinka daahfuray ayaa sidoo kale uga mahadceliyay hay’adda Belarus foundation oo qaliinkaan fududaysay iyo dhakhaatiirta fulinaysa qaliinada, waxaana uu dhankiisa bulshada ka codsaday inay jaaniska ay heleen ka faa’iidaystaan.
Wasiir Abdinaasir ayaa sidoo kale sheegay in dadka faruuran oo inta badan la kulma takoor iyo ceebayn ay dhamaan doonto marka qaliinka lagu sameeyo, dadka caadiga ah ka mid noqon doonaan.
Qaliimadaan ayaa noqonaya markii 7 oo Puntland laga samaynayo, waxaana fulinaya dhakhaatiir hawshan ugaar ah kana shaqaynayay muddo dheer.