17
Sep
Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shir uqabatay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, madaxda shaqaalaha gobolada iyo degmooyinka ee ka shaqeeya /Maaliyadda iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Wasaaradda caafimaadka Puntland oo shir uqabatay madaxda Maamulka iyo shaqaalaha ee gobolada.
17,09,2020:- Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shir uqabatay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, madaxda shaqaalaha gobolada iyo degmooyinka ee ka shaqeeya /Maaliyadda iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Agaasimayaasha waaxyaha Maamulka & Maaliyada iyo Shaqada & shaqaalaha wasaaradda ayaa shirkaan iskugu yeeray si looga dhagaysto shaqada socota iyo in laga wada hadlo qaabkii loo dardargalin lahaa shaqada shacabka loo hayo.
Waxaa sidoo kale shirka looga wada hadlayay wada shaqaynta dhexmarayda labada waaxyood oo shaqo ahaan isku xiran.
Shirka waxaa maalintii labaad ku soo biiray ururka xirfadlayaasha caafimaadka oo soo jeediyay shuruucda la xiriira arimaha adeega caafimaadka.
Agaasima waaxeedka waaxda Shaqada iyo shaqaalaha Idil Hasan oo hadal kooban ka jeedisay shirka ayaa soo bandhigtay sida loo dardargalin lahaa shaqada, waxyaabaha laga doonayo shaqaalaha wasaaradda oo ay ka mid tahay soo xaadirida shaqada, madaama inaga aynaan lamid ahayn wasaaraddaha kale oo shaqada aan haynaa aytahay mid muhiim u ah dalka, la igana doonayo in waqtiga shaqaalaha dawladu ay shaqeeyaan mid ka badan aan shaqayno.
Agaasime Idil ayaa sidoo kale amaan usoo jeedisay shaqaalaha wasaaradda oo ay xustay inay hayaan shaqo naf hurnimo ah oo ay dalkooda u adeegayaan iyadoo ay duruufo kale duwan ku shaqaynayaan.
Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada wasaaradda Mohamed Huseen ayaa isna shirka hadal ka jeediyay ayaa shaqaalaha wasaaradda ku amaanay shaqada ay wadaan, waxaase uu xusay in laga doonayo in la sii hormariyo shaqada socota.
Agaasime Mohamed Xuseen ayaa sidoo kale xusay in la xisaabtan dhab ah ay dhexmari doonto masuuliyiinta gobolada iyo shaqaalaha jooga.
Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.