Wasiirka Caafimaadka Puntland Maxamuud Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta furay, Wajiga labaad ee tababarka marwo caafimaad dufacadii laad, munaasabadda furitaanka Waxaa ka qayb Wasiiro ka tirsan xukuumada iyo masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Dufcada maanta tababarka loo furay oo ka kooban 84 haween ah oo kala yimid tuulooyinka iyo Degaanada fog fog ee Puntland, waxaaa tababarkoodu socon doonaa mudo 30 beri ah, Waxaana marka la tababaro ay adeeg caafimaad siin doonaan bulshada ku dhaqan degaanada ay ka yimaadeen, gaar ahaan Hooyada iyo dhalaanka.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Mohamed Abdirahman Mohamed oo tababarka si Rasmi ah u furay ayaa bogaadiyey barmaamijka Marwo caafimaad wuxuuna tilmamaay in ay shaqo muhiim ah dalka iyo dadka ay u hayaan, isagoo dhinaca kale sheegay in barnaamijka oo dhamaad ah uu rajaynayo in uu sii shaqaysiiyo wuxuuna hay’adaha dowlada ugu baaqay in ka qayb qataan sidii barnaamijkaas bulshada muhiim ah uu sii socon lahaa.





























XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland