22
Jul
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, haddana ah Xildhibaan Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bariga Afrika, Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar, iyo masuuliyiin ka socday Jaamacadda Puntland State University.
Kulan oo ahaa mid maamuus iyo is xog-wareysi ah, ayaa lagaga wada hadlay horumarinta adeegyada caafimaadka, iyadoo Dr. Hadliye uu bogaadiyey dadaallada ay Wasaaraddu ka wado deegaanka, Wasiirku-na uu uga mahadceliyey booqashada iyo taageeradooda.
DHAMMAAD-










XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland