Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa maanta safar shaqo ku tegay magaalada Qardho, halkaas oo uu kormeer ku sameeyey xarumo muhiim u ah adeegyada caafimaadka ee gobolka
Wasiirka ayaa booqday Xarunta Gobolka Karkaar, Xafiiska Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Karkaar, Isbitaalka Guud ee Magaalada Qardho, Isbitaalka Dr. Xaaji Yaasiin, iyo Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee Gacan Libaax, isagoo u kuurgalay heerka adeegyada caafimaadka, tayada daryeelka la siinayo bulshada, xaaladda shaqaalaha caafimaadka, iyo baahiyaha ka jira xarumaha.
Safarka Wasiirka waxaa ku weheliyey Kusimaha Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Cabdirisaaq Cartan, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah Abdirisaaq Abshir Xirsi, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda. Sidoo kale, maamulka caafimaadka ee Gobolka Karkaar ayaa qayb ka ahaa dhammaan booqashooyinka iyo kulamada.
Masuuliyiinta xarumaha ayaa Wasiirka siiyey warbixinno ku saabsan waxqabadka xarumaha, adeegyada ay bixiyaan, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa sheegay in dhammaan xarumaha caafimaadka ee uu maanta booqday ay ka socoto shaqo wanaagsan. Waxa uu maamulka iyo shaqaalaha xarumaha kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo adeegga ay bulshada u hayaan, isagoo xusay inuu si wanaagsan uga warqabo in qaar badan oo ka mid ah shaqaalahaasi ay ku shaqeeyaan naf hurnimo adag.
Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu adkeeyey in Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, xoojinta kaabeyaasha caafimaadka, iyo kor u qaadidda tayada adeegyada, si bulshada Puntland u helaan daryeel caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana la heli karo.































DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: Ministry of Health Puntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland