Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa caawa Hotel Martisoor ku qabatay kulan is-barasho iyo is-xogwaraysi ah oo dhex maray hoggaanka Wasaaradda iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland, kaas oo lagu xoojinayey wada-shaqaynta iyo isku xirka adeegyada caafimaadka ee heer Wasaarad, gobol iyo degmo

07 Jul

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa caawa Hotel Martisoor ku qabatay kulan is-barasho iyo is-xogwaraysi ah oo dhex maray hoggaanka Wasaaradda iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland, kaas oo lagu xoojinayey wada-shaqaynta iyo isku xirka adeegyada caafimaadka ee heer Wasaarad, gobol iyo degmo

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Marwo Maryan Axmed Cismaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sareeye Guuto Muumin Cabdi Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, madaxda waaxyaha Wasaaradda, Guddoomiyaha Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa sheegay in xiriirka dhow ee u dhexeeya Wasaaradda iyo degmooyinku uu laf-dhabar u yahay horumarinta adeegyada caafimaadka, isagoo xusay in wada-shaqayn joogto ahi ay muhiim u tahay gaarsiinta adeeg caafimaad oo tayo leh.

Guddoomiyaha Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dr. Maxamed Xuseen Aadan, ayaa ka warbixiyey shaqada Golaha iyo doorka uu ku leeyahay hubinta tayada iyo sharciyeynta xirfadlayaasha caafimaadka. Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah, Cabdirisaaq Abshir Xirsi, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta dhinaca caafimaadka bulshada iyo doorka ay degmooyinku ku leeyihiin wacyigelinta iyo kor u qaadista caafimaadka bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka qabsoomidda kulankan, isagoo xusay in uu muhiim u yahay xoojinta wada-shaqaynta iyo isfahamka hay’adaha dowladda. Wuxuu sheegay in safarro shaqo oo uu ku tagay gobollo ka tirsan Puntland uu ku arkay meelo ay ka jirtay wada-shaqayn la’aan u dhexeysa qaar ka mid ah hay’adaha dowladda, wuxuuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’aduhu yeeshaan hal aragti iyo isku-duwid mideysan si bulshada loogu adeego si hufan.

Gunaanadkii kulanka, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), ayaa sheegay in ujeeddada kulanku tahay in la xoojiyo wada-shaqaynta Wasaaradda iyo maamulka degmooyinka si adeegyada caafimaadka loo gaarsiiyo bulshada si hufan oo waara. Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaraddu ay doonayso in maamulka degmooyinku door muuqda ku yeeshaan qorshaynta iyo hirgelinta adeegyada caafimaadka, isla markaana la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda.

Wasiirku waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey shirkadaha Korontada iyo Biyaha ee qaarkamid ah degmooyinka sida lacag la’aanta ah Isbitaalada qaarkood usiiya adeegyadooda, isagoo ku baaqay in la dhiirrigeliyo ka qaybqaadashada ganacsatada iyo bulshada, maadaama ay sii yaraanayso taageeradii caalamiga ahayd ee caafimaadka, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo waara oo ay bulshada Puntland si siman uga faa’iidaysato.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: Ministry of Health Puntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment