Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, oo kaashanaysa Hay’adda PSI, ayaa maanta qabatay shir lagu xoojinayo isku xirka silsiladda saadka caafimaadka ee xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay (Private Health Facilities) iyo kuwa dowladda (Public Health Facilities)
Ujeeddada shirkan ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo Wasaaradda Caafimaadka, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaadka, loona hagaajiyo nidaamka xogaha caafimaadka iyo saadka.
Furitaanka shirka, waxaa ka hadlay Maxamuud Cabdulqaadir Maxamed (Gaacir), Madaxa Xogta Saadka ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, oo soo dhaweeyey ka-qaybgalayaasha. Waxa uu sheegay in shirkan uu muhiim u yahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, gaar ahaan dhinacyada xogta caafimaadka, xogta saadka iyo tayeynta adeegyada ay bixiyaan xarumahaasi.
Sidoo kale, Cabdifataax Maxamed Muufow, Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Adeegyada Caafimaadka ahna Madaxa Saadka ee Wasaaradda, ayaa si rasmi ah u furay shirka. Waxa uu ka hadlay muhiimadda uu leeyahay shirkan iyo rajada laga qabo in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo lagu sii xoojinayo wada shaqaynta Wasaaradda iyo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay.
Waxa uu sidoo kale bogaadiyey kaalinta ay xarumaha gaarka loo leeyahay ka qaataan bixinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan adeegyada koritaanka carruurta, tallaalka, baaritaanka duumada iyo HIV/AIDS, isagoo xusay in xogaha laga helo xarumahaasi ay door muhiim ah ka ciyaaraan qorsheynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka. Waxa uu ku boorriyey ka-qaybgalayaasha in shirku ka soo saaro talooyin iyo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu xallin karo caqabadaha jira.
Dhankiisa, Dr. Maxamed Bashiir, oo matalayey Hay’adda PSI, ayaa sheegay in mashruuca GFF ee ay PSI iyo Wasaaradda Caafimaadka si wadajir ah uga hirgelinayaan xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay uu door muhiim ah ka qaatay xoojinta xiriirka u dhexeeya xarumaha gaarka ah iyo kuwa dowladda. Waxa uu xusay in loo baahan yahay in la sii adkeeyo wada shaqayntaas, iyadoo diiradda la saarayo isku gudbinta bukaannada (Referral System), daawada, tallaalka, wadaagga xogaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.



















— DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: Ministry of Health Puntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland