Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mohamad Abdirahman Mohamed ayaa hambalyo ku aaddan sannad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay 1-da Luulyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda maalintii ay midoobeen Gobolladii Waqooyi iyo Koonfur, isla markaana ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

01 Jul

Wasiirku waxa uu si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray dhammaan shaqaalaha caafimaadka Puntland meel kasta oo ay ka hawlgalaan, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah iyo adeegga naf-hurnimada leh ee ay u hayaan bulshada. Waxa uu xusay in munaasabaddan qaran ay ku soo beegantay xilli ay qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadku weli ku guda jiraan gudashada waajibaadkooda, si loo xaqiijiyo sii socoshada adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Wasiirku waxa uu Alle SWT uga baryay in uu Soomaaliya ku gallado nabad waarta, midnimo, xasillooni, horumar iyo barwaaqo, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ku mannaysto wadajir iyo is-afgarad horseeda mustaqbal ifaya

Write a Reply or Comment