Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay kulanka dib-u-eegista xogta caafimaadka Hooyada, Dhallaanka, Carruurta iyo Taranka (RMNCH Working Group), kaas oo looga hadlay horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo sidii loo sii xoojin lahaa tayada adeegyada la siiyo bulshada
Kulanka waxaa furtay Agaasimadda Waaxda Caafimaadka Bulshada ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Sucaad Ahmed, oo sheegtay in kulankani uu muhiim u yahay dib-u-eegista xogaha caafimaadka, qiimeynta waxqabadka iyo qorsheynta tallaabooyinka lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka hooyada, dhallaanka, carruurta iyo taranka. Waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in go’aannada iyo qorshayaasha lagu saleeyo xog sax ah si loo gaaro adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Intii uu socday kulanka, waxaa dib loo eegay xogaha la xiriira adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, oo ay ku jiraan adeegyada daryeelka hooyada xilliga uurka (ANC), daryeelka hooyada iyo dhallaanka dhalmada ka dib (PNC), dhalmada ay maamulaan shaqaale caafimaad oo xirfad leh, adeegyada kala korinta ilmaha iyo tilmaamayaal kale oo muhiim u ah caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay caqabadaha jira iyo xalalka lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xogihii ugu dambeeyay ee waxqabadka, waxaana la isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Wasaaradda iyo bahwadaagta caafimaadka, si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo caafimaadka hooyada, dhallaanka, carruurta iyo taranka.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland waxay mar walba ka go’an tahay horumarinta tayada iyo baahinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, si loo yareeyo loogana hortago dhimashada laga baaqsan karo. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa xoojinta iskaashiga ay la leedahay bahwadaagta caafimaadka si bulshada Puntland ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh oo loo wada siman yahay.















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: Ministry of Health Puntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland