Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qabatay kulanka billaha ah ee isku-dubbaridka Caafimaadka iyo Nafaqada (Joint Health and Nutrition Clusters Coordination Meeting), kaas oo ay si wadajir ah u yeeshaan Wasaaradda iyo bahwadaagta caafimaadka. Kulankan muhiimka ah ayaa udub-dhexaad u ah isku-dubbaridka qorshayaasha iyo dardargelinta adeegyada caafimaad iyo nafaqo ee dalka, si loo hubiyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan adeeg tayo leh oo waqtigiisa ku habboon.

30 Jun

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray qiimaynta horumarka laga gaaray hawlihii bishii hore, ka doodista caqabadaha hortaagan bixinta adeegyada, iyo dejinta istiraatiijiyado cusub oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta. Waxaa si qoto dheer loo lafaguray sidii loo mideyn lahaa dadaallada hay’adaha kala duwan, loogana fogaan lahaa is-dul-saarka shaqada, si loo kordhiyo saameynta togan ee adeegyadan ay ku yeelanayaan bulshada.

Wasaaraddu waxa ay mar walba ka go’an in ay sii xoojiso iskaashiga kala dhexeeya dhammaan hay’adaha ka shaqeeya dhinacyada Caafimaadka iyo Nafaqada, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta caafimaadka bulshada iyo ciribtirka nafaqo-xumada. Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan bahwadaagta ka soo qayb galay kulanka, waxaana ku dhiirrigelinaynaa in ay sii wadaan dadaallada hagar la’aanta ah ee ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment